Wasiir Xirisi Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Dhismaha Wadada Ceerigaabo

0
874

Hargeysa, (HargeisaPress) — Jidka Ceerigaabo wuxuu ahaa imtixaan ay ku kala baxeen inta Somaliland dhuuniga u dhex joogta iyo inta dhaqasho uugu dhabar jabay!
Waxaa maalmihii u dambeeyey soconayey waftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL Mud, Axmed Maxamed Silanyo ee kormeerka shaqo ku marayey gobolada bariga Somaliland

Hadaba, waftiga oo maalmo kahor kasoo laabtay gobolka Sool ayaa soo gaadhay gobolka uugu weyn JSL ee Sanaag oo laga hirgalinayo mashruuca uugu wayn dalka.

Mashruuca dhismaha jidka isku xidhi doonaa Sanaag iyo Togdheer oo ahaa tijaabadii uugu adkayd ee qaranka Somaliland galo ayaa wax Illaahay  loogu mahad naqo ah in guushiisii  waxyar ka dhiman tahay oo maantaba ku dhawaad 150Km diyaarsan tahay kuwaas  oo isugu jira in laami ah iyo in ku jirta  diyaarinta wajigii uugu dambeeyey,

Wuxuu ahaa imtixaan ay ku kala baxeen inta Somaliland dhuuniga u dhex joogta iyo inta dhaqasho uugu dhabar jabay!

Waxay ahayd tijaabo iyo wakhti uu fulaygu shakiyey balse geesiyadu geella baxsheen waliba ugu yaraan  kalmad wanaagsan deeq uuga dhigeen shacabka reer Sanaag ee sanadaha badan jid la’aantu go’doonka ka dhigtay,waxaase nasiib daro ah in dadka qaarkood ugu yaraan  kalmad wanaagsana u quudhi waayeen maalintii adkayd.

Waxaa amaan iyo bogaadin mudan shacabka xoolihii ay dhaqanayeen jidka ku daray iyagoo soo nooleeyey dareenkii ahaa  iskaa wax u qabso  kuwaas oo tusaale fiican u ah isku duubnida shacabka iyo xukuumada jidka horumarka cagta u saartay.

 

Waxaa xusid mudan in ujeedada shacabka loo waydiinayo qaadhaanka jidku aanay ahayn in xoolaha nool iyo lacagtuba wax badan jidka ka dhisi karayaan  balse ay tahay in la abuuro jawi qofka muwaadinka ah dareemo in uu dalkiisa wax gashanayo taasi oo xoojinaysa lexejeclada uu dalkiisa u hayo.

Waxaa xasuusin iyo farxad mudan in maanta dhamaan intii daamur gali lahayd jidku diyaar tahay sidoo kalena ugu yaraan lix dhaggax burburiye “Crushers” ay ku rakiban yihiin buuraha kuwaaso oo isugu jira qaar Wakaaladda horumarinta waddooyinku leedahay iyo kuwo dad shakhsi ah leeyihiinba

Waxaa hubaal ah in maalin dhaw inta yar ee ka dhiman jidku dhamaan doonto sidoo kalena noqon doonto guul guud ahaanba qarankeena u soo hooyata  waxaan aaminsanahay in Wixii Rag u Kaco Rabbina aqbalo haba ragee uu rumoobo….

 

 

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here