Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland ayaa soo dhawaysay kaabis iyo wax ka bedel uu madaxweynaha Somaliland ku sameeyay qaab-dhismeedka wasaarradaha dawladda qaarkood.
Wasaarradaha uu madaxweynuhu wax ka bedelka ku sameeyay qaab-dhismeedkoodda waxaa ka mid ah wasaaradda deegaanka oo imika loo bedelay magaceedda wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda.
Qodobadda uu madaxweynuhu wax ka bedelkaasi u addeegsaday waxay kala yihiin qodobka afraad, faqradiisa 19aad, iyo qodobka 22aad ee xeerka nidaamiyaha dhismaha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee xeer Lanbar 01/2018-ka, qaybtiisa la xidhiidha wasaaradda deegaanka.
Taasoo magaceedii hore lagu bedelay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda, iyadoona waraaqda uu madaxweynuhu wax ka bedelka kaga sameeyay wasaaradii hore ee deegaanka uu maanta soo saaray.
Sida ay sheegtay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo maanta warbaahinta kula hadashay xarunta wasaaradeedda.
Wasiir Shukri Baandare, ayaa soo dhawaysay isbedelkaasi uu madaxweynuhu ku sameeyay magaca wasaaradda oo uu ku soo kordhiyay kelmaddaa isbedelka cimiladda, kelmadaasi oo ay wasiirku sheegtay in ay xanbaarsan tahay muhiimad aad iyo aad u weyn oo balaadhan.
Waxaanay tilmaantay wasiirku in ka wasaarad ahaan ay marka horeba ka shaqaynayeen hawlo badan oo la xidhiidha isbedelka cimiladdda, sidaas darteedna ay aad iyo aad u soo dhawaynayso, isla markaana ay uga mahad celinayso madaxweynaha.
Geesta kale wasiir Shukri Baandare, waxa kaloo ay sheegtay in waaxda isbedelka cimiladda ee wasaaraddii deegaanka lagu soo kordhiyay ay muhiimadda weyn u leedahay, maadaama oo adduunka oo dhan ay saamaysay isbedelka cimiladu.
Sidaas darteedna loo baahan yahay in la ogaaddo waxa sababay isbedelka cimiladda oo u kala baxaysa mid aynu adduunka la qabno iyo mid inaga Somaliland ahaan inoo gaar ah ama saamaynta ay ku keentay Geeska Afrika wixii aynu kala mid nahay ba.
Wasiir Shukri, waxay sheegtay in ka wasaarad ahaan ay wixii hadda ka danbeeya noqonayso in ay sii laban-laabaan shaqadii ay hore u haysay wasaaradu, maadaama oo isbedelka cimiladdu ay tahay arrin caalamkoo dhan ka taagan.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.