Xildhibaan Mushaharkiisii Ku Caawiyay Shirka Yagoori iyo Cusbitaalka Laascaanood

0
572

Yagoori (HP): Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa mushaharkiisii mudadda uu shaqaynayay ugu deeqay shirka nabadaynta beelaha ee Yagoori ka socda iyo cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood.
Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac, oo laga soo doortay gobolka Sanaag, kana soo baxay xisbiga Kulmiye balse metella gobolka Sool ayaa sheegay in mushaharkiisii mudadda afarta bilood ah ee uu shaqaynay inuu u qaybiyay laba qaybood.
Waxaanu qayb ka mid ah ugu deeqay ergooyinka kala metelaya labadda beelood ee lagu heshiisiinayo degmadda Yagoori, ee gobolka Sool, halka uu qaybta Kalena ku caawiyay cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac, oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka nabadaynta laba beelood oo ka socda degmadda Yagoori, ee gobolka Sool waxa uu sheegay in isaga si gaara u taabanayso culayska gobolka Sool haysta, isla markaana uu in badan isku deyay inuu ka mid noqdo dadka hormoodka u noqonaya in gobolkaasii uu hello nabad waarta iyo horumar buuxa.
Xildhibaan Ibraahim, ayaa kula dar-daarmay bulshadda gobolka Sool in waddada qudha ee nabad waarta lagu heli karayo, iyo wada noolaanshiyo in ay tahay dawladnimadda oo la xoojino, isla markaana bini’aadamka waxa keliya ee wadda deeqi karaa ay tahay dawladnimadda.
Geesta kale xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac, waxa uu sheegay inuu hore mashaariic samo-fal ah uga soo qabtay magaalooyinka Hargaysa iyo Ceerigaabo, isla markaana markii uu imanayay shirka nabadaynta beelaha ee Sool inuu ka fikirayay wixii uu taariikhda ku geli lahaa ee bulshadda ku caawin lahaa.

Maadaama oo shirka nabadaynta beelaha Yagoori, ee uu ka qayb galay ay noqonayso madashii ugu horaysay ee uu gobolka Sool kaga qayb gelayo, sidaas darteedna uu mushaharkiisii mudadda uu shaqaynayay oo dhan soo qaaday.
Waxaanu lacag dhan $400 oo dollar ku kala wareejiyay laba xubnood oo kala metelayay ergooyinka guddiga labadda beelood ee la heshiisiinayo, halka uu qayb kaloo mushaharkiisii ka mid ahna ku caawiyay cusbitaalka guud ee Laascaanood.
Dhinaca kale xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac, ayaa ugu baaqay marti sharafta, cuqaasha, Garraadadda, iyo madaxda kale ee shirkaasi ka qayb gelaya in ay dhamaantood ba ka wada shaqeeyaan sidii aanay mar kale dhibaato uga dhex dhicin beelahaasi walaalaha ah.
DAAWO: Xildhibaan Ibraahim Jaamac Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here