Wasiir Sacad oo sheegay in laga-tagay ku dhaqanka habraacii xakameynta dollarka

0
1066

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horuumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay kulankii ay maanta guddida ahaan ka yeesheen kor u qaadida adeegsiga shilinka Somaliland iyo wax ka qabashada sarrif bararka.

Wasiirka Maaliyadda, ayaa sheegay in kulanka lagaga arinsanayey xal u helista qiimaha shilling ka Somaliland.

Wuxuu xusay in kulankoodu ka dambeeyay dareen ka jiray hoos u dhac ku yimid shilinka Somaliland, taas oo keentay buu yidhi in ay isugu yimaadaan kulanka.

Guddi ahaan ayuu sheegay in ay isla eegeen helitaanka shilinka Somaliland in ay wax iska bedeleen iyo inkale.

Wasiir Sacad, ayaa sheegay in laga tagay ku dhaqanka habraacii loo dejiyey xakamaynta isticmaalka lacagta qalaad ee dollar-ka, kaas oo dhigayey buu yidhi inaan la is ku diri karin wax ka yar boqol dollar.

Wuxuu sheegay in si qaldan looga faa’iidaystay faraqa u dhexeeya heerka sarifka ee Bangiga Dhexe iyo ka suuqa, halkaasi oo ay macaash ka dayeen dad loo yaqaano Nuugayaal.

Wasiirka, ayaa meesha ka saaray in lacago dheeraad ahi ay suuqa soo galeen, isagoona sheegay in isbedelka shilinku uu ka yimid isticmaalka shilinka.

Wasiirka, ayaa ugu dambayntii fariin u diray shacabka Somaliland, waxaanu faray in marka ay wax iibsanayaan in wixii ka yar boqol dollar ay ku iibsadaan shilinka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here