Wasiir Saajin oo Saylici Ku Edeeyay In Uu Carqaladaynayo Doorashada Kursiga Guddoomiye Ku Xigeenka Afraad Ee Kulmiye

0
2043

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley loolanka adag ee u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ee ku aadan tartanka kursiga guddoomiye ku xigeenka 4aad ee Xisbiga Kulmiye.

Wasiir Saajin oo maanta warbaahinta la hadley ayaa ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenka in uu Carqaladaynayo Doorashada jagada guddoomiye ku xigeenka Afraad ee Kulmiye, oo aanu ogolayn in lala tartamo.

Waxaa kale oo uu cadeeyay in dhex-dhexaadintii laga dhex waday isaga iyo madaxweyne ku xigeenka ay natiijo la’aan ku soo idlaatay.

Wasiir Saajin, ayaa sheegay in aanu tanaasulayn ee uu ogol yahay tartan dhexmara isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here