Wasiir Qambi Oo Beeniyay In Jabhadda SSC ay Ka Jirto Buuhoodle

0
499

Hargaysa (HP): Wasirka wasaaradda dhalnyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa ka hadlay ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen Somaliland oo dhawaan lagu soo dhaweeyay magaaladda Buuhoodle.
C/rashiid Ducaale Qambi,
Ciidamadaasi oo ay ku jireen saraakiil ayaa sheegay in ay mid ahaayeen kuwa Somaliland balse tabashooyin la soo gudboonaaday darteed in ay go’aansadeen in ay deegaankoodda oo Buuhoodle ah tagaan.
Kuwaasoo markii Buuhoodle ay gaadheen dadweynihii soo dhaweeyay u sheegay in ay ka mid noqonayaan jabhadda SSC, isla markaana ay dagaal hubaysan la soo gelayaan Somaliland.
Wasiir C/rashiid Ducaale Qambi, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaan ahaan Buuhoodle ayaa isagu ku dooday in aanay jabhad la yidhaahdo SSC gebi ahaanba ka jirin deegaankaasi.
Waxaanu arrintaasi ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan siyaasiin aan u dhalan deegaanka Buuhoodle, balse doonaya in ay waxyaabo aan jirin iyo fawdo ka abuuraan deegaankaasi.
Wasiirka ciyaaraha Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa beeniyay in aanay jirin cid Somaliland tabasho ka qabta oo ka soo jeedda deegaanka Buuhoodle.
Hase yeeshee waxa uu sheegay in haddii ba ay jiraan ciidankaasi ka goostay Somaliland in ay u gacan haadiyeen siyaasiyiin ku falxaafsadda qaska iyo fawdadda, isla markaana ay naftoodda been u sheegeen xubnahaasi siyaasiyiinta ahi.

Geesta kale wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland waxa uu digniin u diray xubnahaasi siyaasiyiinta ah ee ka been sheegay in ay Buuhoodle u dhasheen, isla markaana ay abaabulayaan jabhad.
Kuwaasoo oo uu ugu digay in haddii ay deegaankaasi si dhakhso ah uga bixi waayaan in ay tallaabo ka qaadi doonaan, isagoona ugu baaqay waxgaradka deegaanka Buuhoodle in xubnahaasi ay dhulkoodda ka saaraan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here