“Xukuumadda madaxweyne Biixi waxay ku dhamaysatay waxqabad la’aan”…

0
423

Gabiley (HP): Siyaasi Maxamed C/laahi Jaamac (Bookh), ayaa ku dhaliilay madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa in mudada afarta sanadood ah ee ay talladda haysay in ay ku dhamaysatay waxqabad la’aan.
Waxaanu sheegay in dhamaanba mashaariicda kala duwan ee horumarineed ee ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, ku faanto in badankoodda ay hirgelisay xukuumadii hore ee madaxweyne Siilaanyo.
Maxamed C/laahi Bookh, waxa uu si gaar ah u soo qaatay garroonka diyaarradaha Berbera oo uu shalay xadhiga ka jaray madaxweynuhu, kaasoo uu ku tilmaamay in aanu ku faanni karrin madaxweyne Biixi.
Balse cida bilawgii heshiiska lala gallay dawladda Imaaraadka Carrabta oo hirgelisay dib u dhiska garroonka Berbera iyo hirgelinta dhismaha cusub ee garroonkaasiba uu leeyahay madaxweynihii hore ee Somaliland.
Siyaasi Bookh, oo magaaladda Gabiley kula hadlay MMTV ayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ku amaanay in mudadii uu talladda dalka hayay in ay xukuumadiisii ku tallaabsatay waxqabad muuqda.
Geesta kale Maxamed C/laahi Bookh, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka dalbaday madaxweyne Biixi, in isaga iyo xukuumadiisuba ay la yimaadaan waxqabad dhab ah oo muuqdo oo taariikhda u galla.

Halka ay taa bedelkeedda ku hawlan yihiin in ay mucaaradka u jawaabaan ama ay dhaliilo u jeediyeen, isla markaana looga baahan yahay in ay dalka ka hirgeliyaan mashaariic kale oo horumarineed.
Meelaha u baahan in wax laga qabto ee uu sida gaarka ah u soo qaatay siyaasi Bookh, waxaa ka mid ah garroomadda diyaarradaha ee Kalabaydh iyo Boorama, oo muddo sanado badan xidhan oo aan shaqaynin.
Kuwaasoo uu sheegay Bookh, in ay ku yaalaan meello istaraatiji ah, isla markaana u dhaw xuduudka aynu la leenahay Itoobiya, oo malaayiin dadkeedu yihiin una baahan meello ay wax uga soo degaan.

HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA SIYAASI BOOKH:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here