Wasiir Mareexaan oo ka hadlay dagaalka Soomaaliya doonayso inay la-gasho Itoobiya

0
1576

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa ka hadlay dagaalka ay Soomaaliya doonayso inay la gasho Itoobiya.

Wasiir Cali Mareexaan oo qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), ayaa wuxuu ku sheegay xilligii Soomaaliya iyo Itoobiya uu dagaalku dhexmaray sannadkii 1977kii ay saraakiishii iyo dadka reer Somaliland ay ka dagaalameen safka hore ee furimihii labada dal ku dagaalameen.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu tilmaamay in xilligaas ay dadka reer Somaliland ka qaateen qeybta u weyn dagaalkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wasiir Cali Mareexaan wuxuu intaas ku daray in maamulka Muqdisho ay xilligan iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Itoobiya, waxaannu is weydiiyay cidda imika la dagaalami doonta Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here