Dhibaatooyin Dhaqaale Xumo oo Soo Waajahay Itoobiya

0
1359

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra”iisal Wasaare Abiy Ahmed, ayaa ka walaacsan dhaqaale xumo soo waajahday oo sii siyaaday, taas oo saamayn ku yeelatay addeegyada aasaasiga ah iyo qorsheyaasha xukuumadda.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shidde, ayaa ka dayriyay dhaqaallaha sii xummaanaya ee dalka Itoobiya, isagoo Baarlamaanka ka sheegay mushkilada dhaqaalle ee xataa saammaynta ku yeelatay Dakhliga dalka iyo kharashkii ay xukuumaddu isticmaali lahayd.

Wasaaradda Maaliyadda ee Itoobiya, ayaa sheegtay in $4.2 bilyan laga helay deyn iyo deeq sanadkan miisaaniyadda.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa waxa ay sheegtay in waxa la qorsheeyay uu ahaa in la xaqiijiyo $2.4 bilyan (“go’aan”) oo lagu qiimeeyay ” 171 boqolkiiba qorshaha la doonayay.

Hase yeeshee shaacinta mushkilada, ayaa ku soo beegantay iyadoo qayb ka ah qiimaynta waxqabadka Miisaaniyadda Wasaaradda ee sagaalka bilood.

Natiijooyinka dakhli ururinta ee sanadkan, ayaa la muujiyay. Sida laga soo xigtay Wasaaradda, waxaana la qorsheeyay in la qaado 356.5 bilyan oo birr oo canshuur ah, balse waxa la ururiyay 337.9 bilyan.

Arrintaa waxa ay Wasaaraddu ku qiimaysay 94.8 boqolkiiba wax qabadka qorshaha sagaalka bilood iyo 69.6 boqolkiiba wax qabadka guud ahaan qorshaha sanad miisaaniyadeedka.

Sidaa awgeed waxay muujisay werwerka ay ka qabto hoos u dhaca Miisaaniyadda.

Duruufaha ay Itoobiya ka dhaxashay dhibaatooyinka guddaha iyo raadadkii dagaaladii u danbeeyay, waxa u dheer deganaansho la’aanta ka jirta guddaha iyo dalalka galbeedka oo dib uga fadhiistay kaddib markii xukuumadda Abiy Ahmed si toos ugu wareegtay xullufadda China iyo Russia ee BRICS oo ay dhexda ugu jirto, kuwaas oo xullufadda galbeedka ee Mareykanku hoggaamiyo si weyn isaga soo horjeedaan, iyadoo isbahaysiga Brics oo kulamo ku yeeshay Addis Ababa qorshaynayaan sidii dhibaatooyinka dhaqaalle ee dalalka Africa wax looga qaban lahaa, gaar ahaan kuwa ku biiray xullufadda oo Itoobiya iyo Egypt ugu horreeyaan, iyadoo Itoobiya iyo Egypt labaduba la tiicayaan dhaqaalle xumo iyo duruufo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here