Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland oo Soo Jeediyey In La Maalgashado Hay’adaha Saxaafadda Si Loo Xoogeeyo Dhismahooda

0
720

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Saxaafadda dalku ay haysato madax-bannaani iyo xoriyad ay hawlaheeda ku gudato oo dheer tahay dalal badan oo caalamka ka tirsan.

Wasiir Ku-xigeenku wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu shalay ka furay Magaalada Hargeysa shir laba maalmood ah daneeyeyaasha Saxaafaddu ku falanqeynayeen sidii loo daryeeli lahaa, loona horumarin lahaa xoriyaadka warbaahinta JSL.

“Waxaynu maanta isku waafaqsan nahay oo shirkani kulamadii hore kaga duwan yahay inaan dhammaanteen isla qirsan nahay in xoriyadda Saxaafadda Somaliland ay tahay mid ka xoog badan xoriyadda ay haystaan dalal badan oo laga yaabo inay ku faanaan inay yihiin kuwa hoggaaminaya dimuqraadiyadda iyo madax-bannaanida Saxaafadda,”ayuu yidhi Wasiir Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la maalgashado Hay’adaha Warbaahinta dalka, si ay uga maarmi karaan wixii akhlaaqiyaadka Saxaafadda wax u dhimaya. Waxa kaloo uu tilmaamay in kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Suxufiyiintu ay tahay arrin ahmiyadeeda leh oo u baahan in wadajir looga shaqeeyo.

Wasiirku wuxuu iftiimiyey in Wasaaradda Warfaafinta ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Hay’adaha warbaahinta iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaanu xusay inay Wasaaraddu dhaqaale ku kabtay kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa, waxaanu caddeeyey inay qayb ka tahay siyaasadda xukuumadda ee la xidhiidha gacan siinta Saxaafadda.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa sheegay in sannadkan sii galbanaya ee 2019ka ay diiwaangeliyeen 28 kiis oo ah khaladaad iskugu jira gefaf ay Saxaafaddu gashay iyo qaar ay masuuliyiin xukuumadda ka tirsani ka galeen suxufiyiinta, waxaanu shaaciyey in kiisaskaas lagu furdaamiyey wadahadal iyo isqancin.

Guddoomiyuhu waxa kaloo uu qiray in aanay jirin cid xiligan u xidhan arrin saxaafadeed marka laga reebo hal kiis oo uu xaqiijiyey in xukun Maxkamadeed ka soo baxay.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here