Wasiir Kaahin oo sheegay in Somaliland wadahadal ku dhamayneyso arrinta Sool

0
1545

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu ka hadlay arrinta xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha Gudaha, ayaa wuxuu sheegay in magaalada Laascaanood arrinteeda ay Somaliland si dhakhso ah ay wadahadal uga galayso.

Wuxuu sheegay wasiirku in Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbigiisa Kulmiye ay diyaar u tahay xal kasta oo lagu soo dabaalo xaaladda gobolka Sool.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday xisbiyadda mucaaradka, isagoona ku eedeeyay inay siyaasadeeyaan arrinta magaalada Laascaanood.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad uu xisbiga Kulmiye ku soo dhawaynayay Beesha Dhulbahante.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here