Wasiir Ka Tirsanaa Maamul Goboleedka Puntland oo U Geeriyooday Coronavirus

0
923

Garoowe (Hargeisa Press)- Allaha u naxariistee waxaa saaka cistbitaal ku yaalla magaalada Garoowe ku geeriyooday wasiiru-dowlihii madaxtooyada maamul goboleedka Puntland, Marxuum Maxamed Xasan Ciise.

Wasiirka oo xanuunsanaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya inuu u dhintay cudurka Covid-19, waxaana lagu soo warramayaa inuu naqaska ku xidhmay.

Sidoo kale, waxaa geerida ku timid wasiiru-dowlihii madaxtooyada Puntland xaqiijiyey qaar ka mid ah wasiirada maamulkaasi oo tacsi u diray ehelladiisa.

War ka soo baxay madaxtooyada maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Axmed Cilmi Karaash ayaa sidoo kale tacsi loogu diray ehellada marxuumka.

Karaash ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

Si kastaba ha’ahaatee bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii wasiirkii beeraha Puntland, Marxuum Ismaaciil Gama’diid uu u geeriyooday Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here