Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Biixi oo Sheegay In Aanay Dalka GAAJO Ka Jirin, Xilli Nolosha Bulshadu Sii Adkaanayso

0
1327

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali (Godane), ayaa sheegay in aanay dalka ka jirin wax Gaajo ah, balse Mushkiladda ugu weyni tahay Shaqo la’aanta.

Wuxuu wasiirku sidoo kale sheegay, maaddaama oo Somaliland tahay dal nabad ah oo aanay dagaalo ka jirin, Masuuliyadda ugu weyn ee saarani tahay inay Xal u hesho Shaqo la’aanta dalka ka jirta.

Wasiirka Mustafe Godane ayaa hadalkani ka sheegay xil wareejintii uu Wasaaraddaasi kala wareegayay Wasiirki hore ee wasaaradaasi Hinda Jaamac Xirsi (Gaani).

“Somaliland waa dal Nabad ah, dagaalo kama jiraan, Gaajo kama jirto, dhibaatada keliya ee ka jirtaa waa shaqo la’aan, Xalkeedii waxa laga rabaa Cidda Wasaaraddan hoggaaminaysa, shaqo oo dhami waxay ku soo dhamaadaan Arrimaha Bulshada..”

Inkasta oo uu Wasiirka cusub ee Wasaaradda shaqo-gelintu sheegay in aanay xilligan Somaliland ka jirin Gaajo, haddana waxa Bulshadu wajahaysaa Xaalad nololeed oo adag, kuwaasi oo ka dhashay shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, Sicir-bararka Maceeshadda Quutal-daruuriga ah iyo arrimo kale oo uu ka mid yahay Xanuunka Covid_19 oo dhaqaalaha Somaliland dhaawac ka soo gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here