Wasiir Geedoole Oo Iftiimiyay Dhaliil Ka Jirta Habka Wasaaraddaha Loogu Qaybiyo Miisaaniyadda

0
1060

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Faarax Maxamuud Cilmi Geedoole, ayaa sheegay inay dhaliili ka jirto hanaanka Wasaaraddaha loogu qaybiyo Miisaaniyadda ay ku shaqaynayaan.

Wasiirka oo maanta xilkii Wasaaradda Beeraha ee uu hore u hayn jiray wareejiyay, ayaa wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan u soo jeediyay in Saami qaybinta Miisaaniyadda lagu saleeyo Muhiimada Wasaaraddaha.

“Wasiir Zam Zam waxaan ku dar daarayaa, waxaan ka mid ahay guddida miisaaniyadda waxaanay dhaliili iiga muuqataa  miisaaniyadda, waxaanu kala shaqaynaa wasiirka maaliyadda qaabka wax loo soo saarayo laakiin wali kalamaanu shaqayn qaabka loo qorshaynayo(Allocation)  haddii  la yidhaahdo miisaaniyadda wasaaraddu saddex milyan ayey ahaan jirtay oo saddexdii ayuunbaan uga dhigayaa laakiin waa inay miisaaniyadu ku  salaysnaataa ahmiyadda ay wasaaraddu u leedahay umadda”, ayuu yidhi Wasiir Geedoole

Wasiir Faarax Cilmi Geedoole, waxa uu intaasi raaciyay  “Wasaaradda beeraha ee aan ka sii socdo waxaan ugu imid iyada oo miisaaniyaddeedu tahay “hal bilyan iyo lix boqol”,  iyo 150 qof oo shaqaale ah. waa nasiib darro iyada oo ah wasaaradii laga rabay inay dalka u soo saarto cunto, hada waxay maraysaa afar bilyan iyada oo shaqaalaheedu marayaan laba boqol iyo dheeraad  walina waa wasaaradaha ugu hooseeya, waxaanan wasiirka cusub ee maaliyada ku dar daarayaa si dalku cunto u helo waa inay wasaaradaas ogaato.” Ayuu sheegay Wasiir Geedoole.

Waxaa la rumaysan yahay inaan kala badnaanshaha Miisaaniyadda ee Wasaaradduhu ku salaysnayn muhiimadda Wasaaradduhu dalka iyo dadka u leeyihiin, iyadoo wasaaraddaha waxsoo saarka inta badan lagu sheego kuwa ugu miisaaniyadda yar.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here