Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa maanta waxaa uu kulan la yeeshay Madax ka socota ururka EASE International Foundation.
Ururkan oo fadhigiisu yahay waddanka Ingiriiska isla markaana ka shaqeeya arrimaha bulshada, ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa hawlaha mudnaanta u leh Wasaaradda Warfaafinta.
Arrimahaasi mudnaanta u leh iskaashiga, ayaa waxaa ka mid ah Tababarada Saxaafadda, wacyigelinta bulshada Somaliland iyo mashaariicda la xidhiidha dhaqanka suubban Islaamka.
Kulankan waxa Wasiirka ku wehelinayay, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Muuse Askar Guuleed, Agaasimaha guud Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), agaasimaha Waaxda Qorshaynta Jaamac Cawil Nuux iyo madaxa Siyaasadaha iyo Qorshaynta ee Waaxda Qorshaynta Faysal Cabdirashiid Aadan.
Dhanka kale, Ururka EASE International Foundation waxaa ka socday, Zino Khalfaoui, Cabdiraxmaan Yaasiin British, Ali Awil iyo Nasra Guleid.
Gebo-gabadii kulanka, ayaa ku soo dhamaaday is af-garad, iyada oo la isla qaatay in laga wada shaqeeyo arrimaha wacyigelinta, dhaqanka iyo tababarka Saxafiyiinta Somaliland.