Haddii aynu dib u xorownay, maxaa diiday in aynu soo noolayno taariikhdeenii la aasay

0
837

Somaliland Boqortooyadii Ingiriiska waxay ka xorowday 26 June 1960 hase yeeshe hadiyad ahaan uma uu bixin ee waxa loo maray tacab iyo halgan dheer oo waayihiisa laha. Dabaysha gobanimo doonka Somaliland wuxuu ka soo bilaabmay dhamaadkii Dagaalkii labaad ee Dunida; halganka waxa ku suntan rag iyo dumar u badheedhay tacadiyo iyo dhabaatayn kaga imanayay askarta iyo madaxdii xukumi jirtay maxmiyada, ugu dambayn se waxay ku guulaysteen in la saaro calankii xoriyada kii gumaysigana la siibo.

Jiilka maanta jooga wax badan kama oga mana yaqaan magacyada raggii suurta galiyay munaasabada sanad kasta wakhtigan oo kale loo dabaal dago.waa taariikh la qariyay oo luntay; jiilasha Somaliland ee iska daba dhalanayay waxa lagu barbaarin jiray ama la bari jiray taariikhda xisbiyada Somaliya iyo magacyada 13kii Xisbigii SYL.

Waxay Soomaaliya ula baxday maalmaha xoriyada(26 June- 1 July) sawirada ragga waxa la sudha shaaricyada iyo goobaha muhiimka ah, la isma waydiiyo waxa loo xusi waayay kuwii dhigooda aha ee Somaliland.

Xisbiyada Somaliland(SNL, NUF iyo USP) uma ay taagnayn in Somaliland oo kaliye xorowdo balse waxay u halgamayeen in ay shantuba xorobaan ka dib hal dal lagu midoobo laakiin xibiga SYL ee Soomaaliya  ujeedadiisu way  ka duwanayd kuwa Somaliland sababta oo ah aasaaska SYL waxa ka dambeeyay Dawlada Talyaaniga oo kaga hortagaysay fikred Boqortooyada Ingiriisku wadatay oo ahayd in shanta gobol ee Somalidu degto lagu mideeyo hal wadan (Somali-wayn) oo la hoos keeno Boqortooyada Ingiriiska.

Hada la soco wakhtiga dhulka Somaalida oo dhan (laga reebo Jibuuti) waxa la wareegay Ingiriiska markii Talyaaniga, Jarmalka iyo Japan lagu jabiyay DD ee labaad; arrinta Soomaaliya markii la keenay UN-ta Talyaanigu wuxuu ka soo horjeestay soo jeedintii Ingiriiska isaga oo kaashanaya qaar ka mid ah quwadihii dagaalka ku guulaystay (Russia) iyo markii la tixgaliyay rabitaanka SYL oo taageertay dooda Talyaaniga sidadarteed waxa la diiday qorshihii Ingiriiska Somalyana waxa  dib loogu wareejiyay Talyaaniga mudo 10 sanadood ah. Xibiyada Somaland waxay ahaayeen pro-Somaliwayn kuwa Somaliyana waxay ahaayeen anti-Somaliwayn.

Si kastaba ha ahaate maanta waxa aynu nahay dal madaxbanaan ee maxa inaga hortaagan in aynu taariikhdii  xoriyadeena ee la aasay in aynu soo noolayno, maxa diiday in la xuso magacyada halgamayaashii xoriyada 26 June sida aynu u xusno mujaahidiintii dib u xoraynta dalka oo kale.

Cabdiraxman Cadami

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here