Boorama: Wasaaradda Isgaadhsiinta Oo Daahfurtay Wejiga Labaad Ee Hubinta Taawaradda

0
485

Boorama (HP): Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland ayaa maanta magaaladda Boorama ka daahfurtay wejiga labaad ee hubinta Taawaradda ay isticmaalaan shirkadaha isgaadhsiintu.

Waxaana barnaamijkaasi daahfuray wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh C/laahi, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo xubno khubarro ah oo aqoon u leh arrimaha isgaadhsiinta.

Barnaamijkani ayaa lagu hubinayaa dhibaatadda ay bulshadda u keenaan Taawaradu, iyo in ay shirkadaha isgaadhsiintu si khaldan u istcimaalaan addeegsiyadda sharci darrada ah ee hirarka isgaadhsiinta oo ah khayraad dabiici ah oo uu dalku leeyahay.

Sidoo kale waxaa barnaamijkaasi qayb ka ah hubinta tayadda addeegyadda ay bixiyaan shirkadaha isgaadhsiintu iyo hubinta iyo kormeerka Taawaradda. Taasoo ay bulshadu  marar badan cabasho badan ka muujisay.

Waxaana barnaamijkaasi laga fulinayaa goboladda Awdal iyo Salel, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh C/laahi.

Wasiirku waxa kaloo uu sheegay in aanay ilaa hadda jirin cilmi baadhis la sameeyay oo xaqiijisay xanuun  ay dhaliyaan Taawaradda isgaadhsiintu, isla markaana ay  wasaaradu wakhti badan bay gelisay, dad khubarro ah oo fara badana  ay u dirtay.

Iyadoo aan ilaa hadda si rasmiya loo cadaynin in ay jiraan wax dhibaato ah ama halis caafimaad darro ah oo ay keenaan  Taawaradu.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here