Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland oo Qabatay Kulan Lagu Falanqeeyey Siyaasadda gaadiidka Dowladda

0
1163

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qabatay shir lagu falanqeeyey diyaarinta siyaasadda la doonayo in lagu maamulo gaadiidka kala duwan ee dowladda Somaliland.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Agaasimiyeyaal ka socday qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, waxa si rasmi ah u furay shalay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo faahfaahin ka bixiyey ahmiyadda ay leedahay dejinta iyo hirgelinta siyaasadda lagu maamulayo ama lagu dhaqayo gaadiidka dowladda Somaliland.

fikirkayagaas guud ee aannu samaynayna  haddii aad wax ku kordhinaysaan iyo haddii aad wax ka dhimaysaan labadaba (xaq baad u leedahay) oo waxa aad tihiin madaxdii shaqaalaha dowladda (head of staff), haddii aad tihiin Agaasimeyaasha Guud oo inta badan Wasiirradu waxay dejiyaan arrimaha siyaasadda (policy maker), markaa inta badan socodsiinta hawlaha idinka ayaa u xil-saaran, waxa aan markaa jecelahay haddii Ilaahay yidhaahdo in aynu qodobbadaas maanta kaga doodno (shirkeena). Sida lifaaqa ka muuqata, waxa aannu marka hore go’aaminay in aannu qaadano ilaa toban Wasaaradood ama hay’adaha dowladda ah, taasoo ah in ilaa 25% la gaadhsiiyo Hay’adaha iyo Wasaaradaha Dowladda, laakiin qorshaha guud ee aannu halkan ku dhaqaynaa waa in ay Wasaaraduhu ay hadhaw (mustaqbalka) qayb ka noqdaan,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.

Waxaannu intaas ku daray “Waxa kaloo aannu idiin sheegaynaa in dhawaan ay Dugsiga Farsamada Gaadiidka Dowladda ay ka baxeen (qallin-jabeen) 13 makaaniyiin ah, waxaanna hore innoogu joogay 10 makaani oo aynu ka wada faa’iidaysan karno, markaa waxa aan jecelahay in aynu inahaas (waxyaabahaas) ku soo koobno, isla markaana waxa aannu rajaynaynaa in aad fikirkiina ku darsataan oo taladiina lagama maarmi karo.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, waxaannu yidhi; “Waxa ugu badan ee aynu ka shaqayno ee dhibaatooyinka ugu badan aynu kala kulannaa waa gaadiidka maamulkooda, haddii ay tahay shidaalka, haddii ay tahay dayac-tirka, haddii ay tahay fasaxyada, waqtiga uu soconayo iyo goor dambe  oo ay runtii siyaasaddani ka reebi doonto arrimahaas oo dhan, waxaanan rajaynaynaa in xal waarana laga soo gaadhi, Insha Allaah, waxa kaloo aannu rajaynaynaa in Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku, iyadoo ka jawaabaysa awoodaha iyo xilka ay u hayso qaranka Somaliland in arrintaas aynu markii koowaad xal u helno.”

Saraakiil ay ka mid yihiin La-taliyaha Wasiirka Gaadiidka iyo Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa iftiimiyey sababta keentay in la sameeyo siyaasad guud ee lagu dhaqo gaadiidka dowladda Somaliland, kuwaasoo tilmaamay in kharashka ugu badan oo qaranka Somaliland kaga baxo dayac-tirka, shidaalka iyo saliidda gaadiidka dowladda, isla markaana uu dhinaca kale aad u gaaban yahay cimriga gaadiidka uu ku baxo kharashkaas aadka u badan, iyadoo aannu gaadiidka dowladdu shaqayn cimrigii loogu talogalay inuu shaqeeyo.

Waxa kaloo ay sheegeen in ujeedooyinka laga leeyahay siyaasaddan ay tahay sidii loo ilaalin lahaa cimriga iyo tayada gaadiidka kala duwan ee dowladda, isla markaana looga wada shaqayn lahaa daryeelkooda.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here