Wasaaradda Deegaanka Oo Bilawday Wacyigelin Ku Saabsan Ilaalinta Duur Joogta

0
332

Boorama (HP): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa maanta goboladda dalka qaarkood ka bilawday wacyigelin ku saabsan ilaalinta Duur joogta.
Iyadoona qorshahan ay ka qayb yihiin Birro lagu xidhaayo ama lagu dhejinaayo kaantaroolada magaalooyinka waddanka oo dhan.
Taasooo Derawalada Gadiidka loogu sheegaayo inay ilaaliyaan duur joogta ku soo beeganta jidadka xiliga ay maraayaan waddooyinka.
Waxaanay wasaaradu barnaamijkaasi wacyigelineed maanta ka fulisay goboladda Gabiley iyo Awdal, iyadoo goboladda kale iyo degmooyinka dalka intoodda kalena wacyigelintaasi la gaadhsiin doono.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda C/naasir Xueen Siciid, oo hogaaminayay barnaamijkani wacyigelineed iyo masuuliyiin kaloo wehelinayay.
U jeedadda ololahan wacyigelineed iyo mudadda uu soconayo waxaa faafhaahin ka bixiyay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda C/naasir Xueen Siciid, oo barnaamijkani hogaaminaya.

HALKAN KA DAAWO: Agaasime C/naasir Oo Wacyigelintaasi Ka Warbixinaya:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here