Wasaaradda Deegaanka Oo Awdal Ka Bilawday Hawl-gallo Waddo Bannayn ah

0
265

Boorama (HP): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimillada ee Gogoblka Awdal ayaa hawlgallo dib loogu xadaynatyo qaar ka mid ah seerayaasha dawladda, ka bilaabay degmada Boorama.
Wasaaradda oo kaashanaysa dawladda hoose ee degmada Boorama dib u bilawday hawlgallo dib loogu habaynayo seerayaasha dawladda ee degmada Boorama.
Waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay isu duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka cimillada Cabdiwahaab Xuseen Muumin, oo sheegay inay hawgalkan ay uga dan leeyihiin sidii loo xadayn lahaa dhulka danta guud ee koonayaasha magaalada.
Maadaama ay magaaladda Boorama sanadahan danbe aad u fidayso, isla mar ahaantaana ay kordhayan dadka ku nooli.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Muumin Muuse Ducaale, oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada in dawladda lagu garab istaago ilaalinta dhulka danta guud.
Isagoo na tilmaamay inay gacan bir ah ay ku qaban doonaan cidkasta oo doonta inay ku xadgudubto dhulka danta guud ee bulshada oo dhan ka dhaxaysa.
Guddoomiye ku xigeenku waxa uu intaas raaciyay, in maamul gobol ahaan ay xil weyn iska saarayaan sidii loo ilaalin dhulka danta guud ee gobolka Awdal, oo uu sheegay in mustaqbalka loo aayi doono

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here