Baarlamaanka UK Oo Dood Ka Yeeshay Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland

0
464

London (Hargeisa Press): Baarlamaanka dawladda boqortooyadda dalka Ingiriiska ayaa caawa dood ka yeeshay qadiyadda aqoonsiga Somaliland.
Mooshinkan ku saabsan aqoonsiga Somaliland waxaa baarlamaanka Britain u soo gudbiyay xildhibaan Gavin Williamson, oo ka tirsan mudaneyaasha aqalka baarlamaanka dawladda UK.

Mr. Gavin Williamson, ayaa hore u ahaan jiray wasiirka gaashaan dhiga dawladda UK.
Waxaanu mar soo booqday Somaliland isagoona kulan la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyo masuuliyiin kale.
Doodiisa wuxuu gun dhig uga dhigay Gavin Williamson, in ay Somaliland muujisay dimoqraadiyad iyo xasilooni, doorashooyina ay qabatay, carruurtuna ay waxbarashadda aadaan si siman Wiilasha iyo Gabdhaha.

Dhinaca kale ma aha markii u horaysay oo sidan oo kale baarlamaanka dalka Britain ay dood uga yeeshaan arrinta qadiyadda Somaliland.
Balse waxaa jirtay in sanadkii 2019-kii, in 11 xildhibaan oo xisbiga shaqaalaha ama labor party ee dalka UK ayaa dood noocan oo kale ah baarlamaanka geeyay.
Inkastoo markii danbe qaar ka mid ahaa xildhibaanadii doodaasi qaybta ka ahaa ay ka baxeen, ka hor intii aanay meel mar noqon ama guulaysan doodaasi.

DAAWO: Warka Doodda Baarlamaanka UK Ee Aqoonsiga Somaliland:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here