Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo daah-furtey Layliga Dhakhaatiirta ee sannadka 2025

0
772

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah u furay layliga dhakhaatiirta sannadka 2025.

Dhakhaatiirta cusub, ayaa layligooda ku qaadan doona cusbitaalada waaweyn ee dalka, iyagoo halkaas ku baran doona waayo-aragnimo shaqo oo dhameystiran si ay u xoojiyaan xirfadooda caafimaad.

Munaasabadda furitaanka layliga waxa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Madaxa Tababarada Wasaaradda, Agaasimeyaasha Cusbitaalada waaweyn ee dalka, iyo sidoo kale khuburo caafimaad oo ka tirsan Wasaraadda horumarinta caafimaadka.

Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha iyo Madaxa Tababarada iyo Agaasimayaasha cubsitaalada, ayaa ku dhiirrigeliyay dhakhaatiirta in ay ka faa’iidaystaan fursadan, iyagoo muujiyay muhiimada ay leedahay in la helo xirfadlayaal aqoon iyo waayo-aragnimo leh.

Dr. Axmed Maxamuud Jaamac oo hadal ka jeediyay furitaanka, ayaa sheegay in layligani uu muhiim u yahay tayeynta dhakhaatiirta cusub iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyey in Wasaaradda horumarinta Caafimaadku ka go’an tahay in ay dhakhaatiirta cusub siiso tababar heer sare ah oo waafaqsan baahiyaha caafimaad ee bulshada.

Layliga dhakhaatiirta sannadka 2025, ayaa la filayaa in uu si weyn uga qayb qaato kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad ee Somaliland, iyada oo dhakhaatiirtu ay khibrad toos ah ka heli doonaan qeybaha kala duwan ee caafimaadka ee cusbitaalada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here