Wasaaradda Caafimaadka oo beenisey xogtii ka soo baxday Cusbitaalka Hargeysa

0
1152

Hargeysa (Hargeisa Press)-ย Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarunta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay Xogtii xannuunka HIV-AIDS-ka ee kasoo baxday cisbitaalka guud ee Hargeysa isla-markaana ay ahayd xog lagu degdegay taas oo sida uu sheegay bulshada ka dhex abuurtay hadal hayn badan iyo in ay dad badan argagax ku abuurtay.

Waxa kale oo ย uu sheegay in xogihii la ururiyey in aan haba yaraatee xog dhamaystiran laga samayn dhamaan Somaliland iyo wadanka aynu jaarka nahay ee Somaaliya, balse la sameeyey xog ururin lagu eegayo dadka inta matalaad u noqon karta umada taas oo wakhiyo kala duwan lasoo samaynayey si loo eego Xaddiga uu xanuunka HIV AIDS ku ku jiro dadka in la ogaado.

Agaasime Xergeeye oo ka hadlaya isla markaana bulshada u cadeeyey Xogtii ka soo baxday Cusbitaalka wayn ee Hargaysa ayaa waxa uu yidhi.

โ€œWaxa aan halkan ka cadaynayaa, in aanay dadku sas ka qaadin Xogtaa ka soo baxday cisbitaalka Hargaysa, xogtaasi waxay ahayd mid si khalad ย ahu soo baxday runtiina aanu cisbitaalkunaย  xaq u lahayn in uu soo saaro, taas oo ahayd xogtii 14% oo tilmaamaysay dadkii sanadkan la baadhay iyo wixii laga helay, waxa ay ahayd xog lagu deg degayโ€

Geesta kale, waxa uu sheegay in ay xogta runta ahiย  tahay ta ay soo saartay Hayโ€™adda Caafimaadka Aduunka (WHO) isla markaana dadka qaba ay ku sheegtay Xanuunka HIV AID ka 0.15 boqolkii ba isla markaanaย  wasaarada Caafimaadku na sida uu sheegay ay hayso isla markaana ah xogta rasmigaa

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in sanadiihii u dambeyey ay kiisaska dadka xanuunka la nooli hoos u soo dhacaysay waxa uu intaas ku daray in hoos u dhaca waxa keenayey ay ahaydย  dawada lasiiyo dadka xanuunka HIV AID la nool oo marka uu qofku qaato ay yaraynayso in uu faafo balse aanay ahayn in dawadu ka yaraynayn uun in qofka difaaciisa uunย  wax ka tarayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here