Hargaysa (Hargeisa Press): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta todoba baabuur oo Bas ah ku wareejiyay isu-duweyaasha lixda gobol ee waaweyn ee dalka iyo degmadda Gabiley.
Waxaana gaadiidkaasi isu-duweyaasha ku wareejiyay wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo ay wehelinayaan Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Maanka ee WHC Dr-Yacquub, iyo isku-duweyaasha lixdaasi gobol iyo Gabiley.
Xafladda Lagu wareejinayay gawaadhidan oo ka dhacday gudaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa waxaa goob joog ahaa qaar ka mid ah Isuduwayaasha Goboladda agaasimaha waaxda gaadiidka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan WHC.
Gaadiidkan oo loogu-talo galay in loogu adeego Cusbitaalada lagu xanaaneeyo dadka Maanka wax ka qaba ee goboladda dalka, ayaa wax wayn ka tari doona dadaalada loogu jiro u adeegida dadkeena Maanka ka xanuunsanaya ee ku nool dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalkeena Somaliland.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa mudooyinkii u dambeeyay dadaal adag galisay sidii ay daryeel dhamaystiran u heli lahaayeen dadkeena Maanka ka xanuunsan iyo sidoo kale kor loogu qaadi lahaa loona tayayn lahaa, xarumaha bixiya adeegyadda Caafimaadka maanka.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha Wacyigelinta iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.