Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Ku Gacan-seydhay Dalab Loo Gudbiyay

0
1150
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa joojisay codsi isu soo bax ay ku dalbanayeen, ururka xuquuqal iinsaanka iyo horumarrinta bulshada.

Bayaan ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa lagu sheegay in aanay suurta gal ahayn in la sameeyo isu soo bax, maadaama baa lagu yidhi iyadoo lagu jiro ansixintii iyo hawlihii ururada.

Bayaankan oo uu ku saxeexan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:-

“Tixraac warqadda ka soo baxday Community Development and Human Rights Organization ee ku Taariikheysan 04/09/2022, ujeedadeeduna tahay Codsi Isku Soo Bax.

Haddaba, waxaan idinku wargelinayaa in aanay Suurtagal ahayn in wakhtigan oo lagu jiro ansixintii iyo hawlihii ururada aanay wax isku soo baxa ah la samayn karayn, waxaanan joojinay in la sameeyo wax isku soo bax ah.

Sidaas darteed, iyadoo wixii faah-faahin ah aad ka helaysaan lifaaqa warqaddan, dhamaan mas’uuliyiinta ay ku socoto warqadan iyo kuwa ogaysiinta ku leh waxaan la socodsiinayaa in aanay wasaaradda arrimaha guduhu aanay oggolaan isu soo baxaa oo ay joojisay.”

No photo description available.

May be an image of text that says 'WARRIMAHA GUUnT 리진 05 SFP 2022 MINISTRY OF INTERIOR RECRS Community Development and Human Rights Organization Tell:00252-63-4424813 Email: Humanrightsdefenders7@gmail.com website compad.com Hargeisa, Somaliland Ku wasiirka wasaradda arrimaha gudaha Og: gudoomiyaha gobolka m/jeex Date: 04-09-2022 2022 Mudane wasiir waxa aanus yo qadarin ku dheehantahay kuugu galinaynaa iKhamiista 00 ay bishu tahay 08/09/2022 beerta corriyada bulshada rayidku qabanayaan uo muujiyaan dareen kooda gudbinayaan siwaafaqsan QODOBKA 32 FAQRADIISA 2AAD dastuurka ku jamhuuriyadda somaliland Ahmed Yusuf-Hussein Loigg (COMPAD COSHR BIGHTS'

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here