Hargeysa,(HargeisaPress)– Waxa maanta ka qabsoomay magaalada Hargeysa Shirka Wada-tashiga Daneeyayaasha Duulimaadyada iyo Madaaradda JSL, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, kana soo qayb-galeen Shirkaddaha Diyaaradaha ee ka hawl-gala Somaliland, Hay’addaha Dowliga ah ee ka hawl-gala Madaaradda Somaliland,Wasaaradda Maaliyadda, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Bookiiska iyo Shirkadda Duulimaadyada Qaramada Midoobay.
Kulankaasi waxa lagu lafo-furay caqabadaha ka jira Qaybaha Duulimaadyada iyo Madaaradda Somaliland.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL Mudane Fuaad Axmed Nuux oo furay shirka ayaa sheegay in Wasaaraddu hadda gacanta ku hayso diyaarinta Qorshaha Hawl-galka (Strategic Plan) ee Wasaaradda, isla markaana qorshahaasi noqon doono mid ka jawaaba caqadaha jira, qaybaha kala duwana gaadhsiiya Horumar la taaban karo.
Waxa kale oo kulankaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, Taliye-ku-xigeenka Laanta Socdaalka iyo Hoggaanka Hawl-galinta Ciidanka Booliiska JSL oo dhammaantood ka hadlay sida ay diyaar ugu yihiin inay qaybtooda ka qaataan qorshaha horumarinta Duulimaadyada iyo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee ay hoggaaminayso Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaraddu.