Warqad Furan oo ku socota Madaxweynaha JSL Qallinkii: Mustafe Jirre

0
491
Magacaygu waa Mustafe Maxamed Faarax Jire ah muwaadin Somaliland u dhashay hada degan dalka Turkey. Sida aynu la wada socono waxa si isdaba joog ah usoo dhacaya wararka dhiilada leh ee khuseeya muwaadiniinta #Somaliland ee sida arxan darada ah ee ka baxsan dadnimada, islaamnimada iyo Somalinamadaba loogu gumaadayo Somalia.
Mudane madaxweyne ilaahey ka sokow waxaad tahay qofka masuulka ka ah dhamaan muwaadiniinta Somaliland sidaas oo ay tahay waxaan jeclaystay inaan warqadan furan hawada kuusoo mariyo isla markaana talooyin kuusoo jeediyo ah sidan soo socota:
1. In Gabi ahaanba laga baxo Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, Shuruudna looga dhigo ilaa la helo wada hadalo ay gadhwadeen ka yihiin Qaramada midoobey, Midawga Africa, ama IGAD aaney Somaliland ka qayb gali doonin.
2. In mudo 3 bilood ah Cafis guud oo madaxwyne loo fidiyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Somalia hadey siyaasiyiin yihiin iyo hadey shaqaale hoosaad yihiinba.
3. In wadamada Somaliland saaxiibka la ah lala kaashado sidii loosoo badbaadin lahaa wiilasha 6-da ah ee dhagarta dilkii C/naasir loo maleegayo.
4. In isgaadhsiin Encrypted (dhawrsoon) loo sameeyo muwaadiniinta raba iney Somalia isaga soo baxaan si aaney bartilmaameed ugu noqon cid kasta oo rabta iney naftooda halis galiso.
5. In Muwaadiniintii inaga dhimatay loo aqoonsado halyayo naftooda u waayay kaliya iney SOMALILAND kasoo jeedaan.
6. In shirweyne Qaran aad isugu yeedho dhamaan madaxda dalka si looga arinsado dhibaatada bulshada Somaliland ee joogta Somalia soo foodsaartey.
7. In hay’adaha xuquuqal insaanka iyo hay’adaha caalamiga ahba lala wadaago natiijada baadhitaanadii Hargeisa Group Hospital sameeyay si loo ogaado falalka guracan ee isir nacaybka ah ee loo laayay dad aan waxba galabsan.
Gaba-gabadii Waxaan ugu baaqayaa bulsha weynta Somaliland ee ku dhaqan Somalia iney taxadir dheeraad ah muujiyaan inta lagu guda-jiro wakhtigan adag.
Qallinkii: Mustafe Jirre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here