Wasiirka Arrimaha Dibada JSL oo Warbixin Siiyay Danjireyaasha Fadhigoodu Yahay Hargeysa

0
217

Hargeysa (HargeisaPress)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safaaradaha waddamada shisheeye ee deggan magaaladda Hargeysa ee caasimadda JSL.

Wasiirka ayaa danjirayaasha caalamiga ah uga xog-warramay is-afgaradkii dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga federaalka Itoobiya, dilalka siyaasadeed ee dadka reer Somaliland lagu beegsaday ee ka dhacay Soomaaliya, walaaca ay Somaliland ka qabto Heshiiska Difaac ee Turkiga iyo waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, iyo doorashooyinka soo socda ee Xisbiyadda iyo Madaxtooyada JSL.

Kulanka waxa Wasiirka ku wehelinayey, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Abokor Maxamed.

Kulankan ayaa ahaa kii joogtadda ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xog-warranka ku siin jirtay safiirrada iyo dibloomaasiyiinta dalalka shisheeye ee waddanka ka hawlgala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here