“Warka Sheegaya Inaan Iscasilayo Waxba Kama Jiraan ”Wasiirka Arimaha Debada Somaliland

0
971

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inaanu diyaar u ahayn xil uu ka qabto Qaramada midoobay sidoo kalena aanu iska casilayn jagada uu Xukumadda Siilaanyo ka hayo.

Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay warar maalmihii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay in Xogyaha Qaramada midoobay xil u magacaabayo sidaas darteedna uu iskaga casilay xilka wasiirnimo.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlay xilli uu ka soo degay Madaarka Hargeysa, kana soo laabtay Cardiff, waxa uu warkaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan “Warkaas wax ka jiraa ma jiraan, UN-ka waan u shaqayn jiray, waxaan ka ahaa masuul aad iyo aad u weyn, waxaanan ka door biday inaan dadkayga u imaado oo dalkayga u shaqeeyo, warkaasina maaha mid sal iyo raad leh”, ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu sheegay in Shacbiga Somaliland ee Cardiff ku nooli qabteen hawl xoog leh kuna guulaysteen in Golaha degaanku aqoonsado Somaliland “Shacbiga reer Cardiff, Golahooda degaanka iyo umadda Somaliland ee meesha ku nooliba shaqo weyn bay qabteen, waanu ka qayb galay oo goob joog ayaanu ka ahayn markii Goluhu ansixinayay in Somaliland la aqoonsado sidii Shefield oo kale” ayuu yidhi Wasiirku.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here