Warbixin Laga Soo Saaray Khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Hargeysa Ka Da’ay

0
962

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ciidanka Dabdemiska Somaliland ee caasimada Hargeysa, ayaa war ka soo saaray khasaaraha ka dhashay Roobabkii maanta ka da’ay magaaladda Hargeysa.

Ciidanka Dabdemiska ayaa sidoo kale gurmad u fidiyeen Gaadiid iyo shacab dhibaato ka soo gaadhay Dooxyada iyo laagaha.

Ciidanka ayaa Gaadiid fara badan oo ay saarnaayeen dad ka soo samatabixiyay dooxyada, waxaana ciidamadu maalmihii u dambeeyay ku hawlanaayeen sidii loo badbaadin lahaa cid kasta oo waxyeelo soo gaadho.

Sidoo kale, waxaa ciidanku sameeyay ka hortag iyo heegan buuxa in laga feejignaado in waxyeelo badani dhacdo roobaka darteed, iyagoona farriin diray bulshada Somaliland uguna baaqay inay ka taxadaraan kana feejignaadaan goobaha Biyo mareenada ah , xadhkaha korontada iyo khatar kastaba.

Waxanay awaamiir ku soo rogeen dadweynaha waxanay sheegeen in Qof kasta oo baalmara awaamirtaasna laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

Geesta kale, ciidanka dabdemiska ayaa warbixin ka soo saaray Hawlgaladan ay sameeyeen maanta, iyadoona ay hawlgaladaasi ay kala dhaceen Guryaha, Dooxyada iyo Biyo mareenada ku yaalla degmooyinka Maxamuud Haybe , Maxamed Mooge , 31 May iyo Gacan-Libaax waxaanay faahfaahin toodu kala tahay:

1. Tirada dadka laga soo badbaadiyay Daadadka : 172 Qof.

2. Gaadiidka laga soo badbaadiyay Biyaha Dooxu iyagoo sita : 3 Gaadhi.

3. Guryaha daadku gudaha u galay ee ciidanku u gurmaday : 49 Guri.

4. Gaadiidka khasaaruhu soo gaadhay ee daadku la tegay : 12 Gaadhi.

5.Guryaha khasaaruhu soo gaadhay : 18 Buul iyo hal Jiingad ah.

Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu sababay Roobabka maanta ka da’ay magaalada Hargeysa.

Laamaha kale ee dawlada ayaa iyaguna dhankooda heegan buuxa ka galay daad gureynta iyo samatabixinta dad iyo duunyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here