Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan muddeynta doorashooyinka Somaliland, kaasoo u dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi iyo hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarad.
Khilaafkan, ayaa sidoo kale waxaa uu sababay inay kala qaybsamaan Xildhibaanada aqalka golaha Wakiillada Somaliland ee ka kala tirsan Isbhaysiga labada xisbi mucaarad iyo kuwa xisbiga muxaafadka.
Khilaafkan oo salka ku haya arrinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta urrurada siyaasada oo ay xildhibaanada labada dhinac si weyn isugu hayaan, ayaa sababtay in maalintii saddexaad uu xidhnaado fadhigii golaha Wakiilladu.
Wax-ka-bedel iyo kaabis uu golahu Wakiilladu ku sameeyay Xeerka Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka, Xeer.L.R/14.2011, iyo xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha Xeer L/R 91, 2020., ayaa u gudbay golaha Guurtida 20 September, si ay waajibkooda dastuuriga ah uga gutaan.
Hase yeeshee, golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta golaha Wakiillada dib ugu soo celiyay xeerka guud ee doorashooyinka Xeer Lr 91/2022 iyo xeerka nidaamka urrurada iyo axsaabta siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.
Balse shir guddoonka golaha Wakiillada, ayaa iyaguna dib u soo celiyay Xeerarkan, iyagoo diidey in ay qabtaan, maadaama ay hore u sii ansixiyeen.
Xeerarkan oo iyaga oo kartoon ku jira laga soo saaray xafiiska Arkiifiyada ee golaha Guurtida Somaliland, isla markaana ay ku murmayaan labada xoghaye ee Guurtida, Wakiiladda, xoghaye ku xigeenka golaha Guurtida iyo madaxa IT-ga ee golaha Guurtida, ayaa la arkayay iyaga oo isku khilaafsan qabashada xeerkan.
Xoghayaha golaha Wakiilada, ayaa isaga oo kartoonkii xeerarku ku jireen sita waxa uu dhigay barxada hore ee xafiiska arkiifiyada ee golaha Guurtida, isaga oo amar ku bixiyay in aan ciddina qaadin, Markii xeerkii cid la wareegta la waayay waxa gacantiisa ku qaaday oo geeyay xafiiska kaydka golaha Guurtida oo wakhtiga shaqaynayay xoghayaha guud ee golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Mawduucyada xudunta u ah khilaafka ee Isbhaysiga labada xisbi mucaarad iyo xukuumadda u dhexeeya, isla markaana ay xilligan qayb ka yihiin Ururada dhowaan la diiwaangeliyay iyo weliba xeerarka xaasaasiga sababay in mar kale uu kala qaysamo gollaha Wakiilladu, ayaa sababay khilaaf xoogan.
Hasse yeeshee, qoraal ay golaha Guurtidu ku faah faahiyeen sababta dib u celinta xeerarkan, ayaa lagu yidhi “Markaanu la tashanay garyaqaanka golaha …waxaanu go’aan sanay in wax ka badalkan khilaafku ka taaganyahay aan la horkeenin golaha dibna loogu soo celiyo golihii wakiilada”.
Wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay labada xeer, ayaa si lama filaan ah loo ansixiyay, wallow aannay xildhibaanada meelmmariyay u helin aqlabiyad buuran, kaddib markii ay ku meel mariyeen 33 xildhibaan oo ahayd, balse 46 xildhibaan oo sheegay in ay yihiin aqlabiyada gollaha, ayaa si weyn u naqdiyay meel marinta labada xeer, waxayna ku tilmaameen khiyaamo cad oo masuuliyadeeda uu leeyahay shirguddoonka golluhu.
Xildhibaanada dhawr iyo afartanka oo u balansanaa Sabtida 24 September, 2022, in ay keenaan mooshin ka dhan ah shirguddoonka, ayaa hore ugu hanjabay in aannu golluhu furmayn ilaa laga bixiyo arrinta labadaa xeer raaligelin, iyagoo guurtida u gudbiyay qoraal ay kaga dabatageen labada xeer ee kala ah, xeerka saddexaad ee Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka, Xeer.L.R/14.2011, iyo xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha Xeer L/R 91, 2020., kuwaas oo ay gollaha Guurida ku wargeliyeen in aannay ahayn sharci ee ay dib ugu soo celiyaan golla Wakiillada si loo waafajiyo sharciga.
Wax ka badalka xeerarkan, ayaa ogolaanaya in la is raacin karo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada, qodobkaas oo ay ka biyo diideen mudanayaasha taageersan in doorashada urruradu soo horayso.
Khilaafka arrinta doorashada
Guddida doorashooyinka, ayaa qoraal ay soo saareen oo ay warbaahinta la wadaageen ku shaaciyay in aannay doorashadu ku qabsoomayn xilliga mudda xileedka Madaxweynaha ee ku beegan 13 Nevember 2022, sidaa awgeed ay u baahan yihiin muddo sagaal bilood ah si ay ugu diyaariyaan doorashada Madaxtooyadda dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan.
Xisbiyada mucaaraadka ee UCID iyo WADDANI, ayaa soo dhaweeyay arrinta soo jeedinta guddiga doorashooyinka oo si cad u muujisay in ay lagama maarmaan tahay in la helo muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda, maadamaa aannay suurtagal ahayn in muddadaa lagu qabto doorashada.
Balse Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Maxamuud Jaamac Galaal oo ka hadlay mawqifkooda, ayaa sheegay in ay soo dhowaynayaan soo jeedinta Kommishanka doorashooyinka.
Hase yeeshee afhayeenkii hore ee WADDANI, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa naqdiyay falcelinta Afhayeenka, wuxuuna soo jeediyay in aannu xisbigu ku dedegin inuu go’aan aan laga tashan ka qaato arrimahaa oo kale.
Waxaana jawaabtiisa loo arkay mid muujinay kala duwanaanshaha mawaaqifta siyaasadeed ee xisbiga dhexdiisa arrimaha qaarkood iyo inuu dhibsaday qoraalka xildhibaan Barkhad ku durayay jawaabta uu ka bixiyay soo jeedinta guddida doorashooyinka ee iftiimisay in muddo sagaal billood ah loo baahanyahay in la helo, maadaama aannay muddada dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha oo gabaabsi ah ku qaban karin doorashada, isla markaana farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan aannay diyaar u ahayn xilligii hore loo filayay ee 13 November 2022.
Qoraalada ay baraha bulshada isu mariyeen Afhayeenka iyo Xildhibaan Barkhad oo ah Afhayeenkii hore ee Xisbiga WADDANI, ayaa muujiyay khilaaf saraakiisha ugu sareeya xisbiga qaarkood ka dhex aloosan oo laga dareemay jawaabaha iska soo horjeeda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay hareeraha ka joogaan murrashaxa Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Cali, Xoghayaha Xisbiga, Xidhibaan Barkhad, Afhayeenka Maxamuud Galaal iyo saraakiil kale oo ka hadlaya soo jeedinta Kommishanka Qaranka, ayaa sheegay in aannay waxba iska beddelin mawqifkoodii ahaa in aannay aqbalayn mudda kordhin loo sameeyo Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa, marka uu dhammaado xilliga sharciga ah.
Taariikhda Xeerka
Xeerka Nidaaminta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda waxa la ansixiyay sanadkii 2000 (Xeer Lr. 14/2000). Waxa uu bilaw u ahaa hanaanka geedi-socodka xisbiyada badan ee Somaliland kaga guurtay shir beeleedyada. Dastuurka Somaliland qodobka 9aad waxa ku qoran in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland yahay hanaanka xisbiyada badan iyo in aan xisbiyadu ka badan karin sadex.
Xeer Lr. 14/2000 waxa uu jideeyey habka ay ku tartami karaan ururada cusub si ay ugu gudbaan xisbiyo, kaas oo ahaa in ay ku tartamaan doorashada golayaasha deegaanka. Doorashadii koowaad waxa la qabtay sanadkii 2002. Waxa ku soo baxay xisbiyada kala ah UDUB, UCID iyo Kulmiye.
Xeerka waxa wax-ka-bedel lagu sameeyey sanadkii 2011 kadib markii madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo u saaray guddi ka talo bixisa. Gudidu waxa ay ku talisay in ururada la furo, iyada oo xeerka lagu kordhiyay in tobankii sanadood ba hal mar la furo ururo cusub.
Waxa la qabtay doorashadii golayaasha deegaanada sanadki 2012 kaas oo ay soo baxeen xisbiyada kala ah UCID, Kulmiye iyo Waddani.
Tobanka sanadood ee ruqsadooda xisbinimo waxa ay ku eg tahay dhammaadka sanadkan 2022.
Haseyeshee, welli waxa aan si kama danbays ah go’aan looga gaadhin labada doorasho – doorashada ururada/xisbiyada iyo doorashada madaxtooyada – ta soo hormaraysa. Waana arin keeni kara khilaaf cusub.
Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa lagu eedeeyay in aanu ahayn mid si daacad ah uga hawlgalay sidii xal loogu raadin lahaa khilaafka siyaasadeed, taas oo sababtay in xalka khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka ee loo caal wayaayo, iyadoo golohiisa guurtidu noqdeen kuwo dhufayska ugu jiray marka laysla gaadho xilliga gabaabsiga xukuumadda ee muddada xilka Madaxweyneha, isla markaana indhaha ka qarsadeen in dhinacyada laysu soo jiido xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad inta aan xeedho iyo fandhaal kala dhacin.
Hargeisapress Desk