Warbixin Isbarbar-dhig Ku Samaysay Dekedaha Berbera iyo Muqdisho

0
1062
Dekeda Berbera
Dekeda Berbera

Hargeysa (Hargeisa Press)- Is barbar-dhig lagu sameeyay dakadaha Berbera iyo Muqdisho oo ay sameeyeen khubaro caalami ahi, ayaa lagu ogaaday in Dekedda Berberi ay dhinacyo badan kaga hormartay dekedda Muqdisho ee dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Warbixintan, ayaa lagu sheegay in dekedda Berbera ee Somaliland ay noqotay marin muhiim oo uu maro ganacsiga geeska Afika. Dekeddan oo ay maamusho shirkadda caalamiga ah ee hormuudka u ah dhinaca maamulka dekedaha ee DP World, ayaa sannadihii u danbeeyay samaysay baa la yidhi horumar ballaadhan iyo koritaan.

Taa beddelkeeda dekedda magaalada Muqdisho, oo ay maamusho shirkadda Albayrak ee Turkiga laga leeyahay ayaa waxa soo foodsaaray caqabado tiro badan oo hor isaagay koboceeda iyo tartankii ay la gali lahayd Dekedaha gobolka.

Degganaansho la’aan siyaasadeed, ammaan darro iyo habacsanaan dhanka shaqada ah ayaa hadheeyay dekedda Muqdisho, kuwaasoo saamayn ku yeeshay inay soo jiidato maalgashi iyo ballaadhinta adeegayadeeda.

Bishii February oo kaliya dekedda Berbera waxa ka soo degay 6700 oo koontiinnar, iyada oo ka hor martay dekedda muqdisho oo ay ka soo degeen 3,600 Koontiinar.

Geesta kale 30 kii maalmood ee ugu danbeeyay dekedda Berbera waxa ka soo degay in ka badan 10 kun oo koontiinar, halka Muqdisho ay ka soo degeen wax ka yar 6 Kun oo Koontiinar.

Farqigan weyn ee u dhexeeya labada dekadood ayaa hoosta ka xarriiqaya hufnaanta iyo tayada sare ee dekedda magaalada Berbera, taasoo muujinaysa awoodda ay u leedahay inay maamusho

Is barbardhiggaa ayaa waxa sii iftiiminaya tirada telifoonnada caalamiga ahee dekedda Berberi ka heshay Maraakiibta maraya badaha caalamiga ah kuwaasoo gaadhay 11, halka Muqdisho ay heshay 7 kaliya, taasoo muujinaysa heerka sare ee dhaqdhaqaa iyo hufnaanta dekedda Berbera, iyo awoodda ay u leedahay inay si fudud u adeegto xamuul tiro badan

Farqiga weyn ee u dhexeeya labada dekedood ayaa daaha ka qaadaya doorka muhiimka ee maalgashig istaraatijiga ah iyo khibradda dhanka maamulku ku leeyahay horumarinta dekedaha. Dekedd Berbera oo ay maamusho Shirkadda Dp world ayaa si weyn uga hormartay dekedda Muqdisho ee ay Maamusho shirkadda Albayrak Group oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Waxa xusid mudan in labada dekedood ay sidoo kale ku kala duwan yihiin qiimaha khidmadda laga qaado Koontarkiiba, iyada oo dekedda Berberi ay qaaddo qiimo hooseeya marka loo eego Muqdisho. Waxaana sabab u ah, arrimaha ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, hufnaanta shaqada, xasilloonida siyaasaded iyo xaaladaha amni ee meelaha ay ku kala yaallaan labada dekedadood.

Wada shaqaynta dekedda Berbera iyo DP World waxa ay horseedday kor u qaadidda tayada kaabayaasha dhaqaalaha, iyo kor u kaca awoodda dekedda, taasoo keentay hufnaana shaqo iyo qiimaha jaban ee laga qaado shirkadaha marakiibta.

Taa baddalkeeda, dekedda Muqdisho waxa khidmadda Koontiinarrada qaali ka dhigaya arrimo ay ka mid yihiin musuqmaasuq, waxtar la’aan iyo arrimo amni.

Guud ahaan shirkadda Maraakiibta ayaa u arka in ay u kharash yartahay isticmaalka dekedda Berbera inay ka soo dajiyaaan koontiinarrada iyo shixnadaha kaleba, iyada oo ay ugu wacan tahay khidmaddeeda hoose iyo hufnaanta shaqada ee kor loo qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, waxa iyaguna qayb ka ah doorashada ay maraakiibtu dooranayan dekedda Berbera dhawaanshaha ay u dhowdahay Baab AL mandab, helitaanka kabaayasha gaadiidka iyo waddooyinka ganacsiga.

Gabagabadii warbixintan is barbardhiga ah oo uu daabacay qaybta Ingiriisiga ee Wargeyska Saxafi, ayaa sawir muuqda ka bixinaya sida dekedda Berberi uga gacan sarrayso halbeegyada kala duwan ee dekedaha lagu qiimeeyo sida xaddiga alaabaha ee ka soo dega, telfannada kus oo dhaca iyo tirade koontiinarada ee ka soo dega.

Iyada oo marba marka ka danbaysa ganacsig baduhu sii kobcayo, dekedda Berber ayaa u muuqata inay sii adkaysanayso halka ay kaga jirto gobolka iyadaa kaalin mug lehna ka qaadnaaysa horumarinta dhaqaalaha Somaliland iyo kan mandaqaddaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here