Warbixin: 61 Sano Ka Hor Markii Somaliland Xornimada Qaadatay 26 June 1960-kii

0
1702

Hargeisa (Hargeisa Press) – Kow iyo Lixdan sano ka hor, beri oo kale waxa ay ahayd markii ay dowladda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 26 June 1960-kii.

26 june 1960-kii waxaay ahayd maalintii ugu horeysay ee Magaalada Hargeysa laga taagay calan Soomaali, waxaanay noqotay meeshii hoggaamisay xorriyaddii dhalatay oo Soomaalida oo dhan iygoona dadku ku faraxsanaa xorriyadda habeenkaas 26-ka June.

26kii Juun 1960, waa dharaartii Somaliland gobanimada heshay, waa ayaantii ay noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin.

Waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayay, wKaxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday, waxay ahayd maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad.

Dadkii habeenkaa qaybta ka ahaa diyaarinta xafladdii debaaldegga xoriyadda ee lagu qabtay Hargeysa, waxaa ka mid ahayd Allah ha u naxariistee Fanaanadii Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo ahayd haweeneydii ugu horraysay ee Soomaalida ee heesta, oo heesteedii ugu horesayna1952 laga baahiyay Raadiyo Hargeysa, waxanay intii ay noolayd ka warrantay halgankii xorriyadda loo galay iyo maalintii calansaarka ee ku caanbaxday ‘kanna siib kanna saar’.

Guduudo Carwo, ayaa wixii dhacay habeenkii calansaarka ee beerta xorriyadda ee Hargeysa waxa ay ku tilmaantay: “Ninkii joogay umbaa joogayee, farxad, oohin baa imikadan i haysa, yacni wax kale ayay ahayd,” ayay tidhi.

“Annaga waxaan moodaynay in Soomaali oo dhan dambigoodii la dhaafay, ummaddu jaceylka ay isku qabtay – Laa Ilaaha Muxamadduu rasuulullaah – wax la soo koobi karo ma ahayn.”.

Markii la soo gaadhay maalintii iyo habeenkii la isku badelayay labada calanna, dadkii joogay oo ay ka midka ahayd Guduudo Carwo waxa ay ku tilmaantay inay ahayd markii ugu horreysay ee “calan Soomaaliyeed oo xor ah uu dhul Soomaaliyeed oo xor ah ka dul babado.”

“Ilaahay baa mahadi u sugnaatay oo ah kii Ingiriiskii naga xorreeyay, farxad wayn bay noo ahayd, ummadda Soomaaliyeed meelay joogtaba farxad wayn bay u ahayd,” ayay tidhi ale ha u naxariistee Guduudo Carwo oo aad ugu faraxsanayd inay ka sheekayso wixii xilligaas la soo maray.

Waxay ay dadkii ka qaybgalay maalintaas ku tilmaameen maalin ay wada sugayeen Soomaalidu.

Magaalada Hargeysa oo xarun u ahayd maamulka gumaystihii Britain ee Somaliland, todobaadyadii ka hor maalinta xoriyadda, waxay kooxihii xorriyad-doonka ahaa ka wadeen diyaar garow aad u ballaadhan oo ku aadanaa waynaynta maalintaas.

Maalintaas iyo habeenkeedii dadku ma aanay seexan oo farxad, raynrayn iyo damaashaad ayay isugu hambalyeynayeen, taasina waxay ku qasabtay badhasaabkii xilgaa Somaliland maamuli jiray inuu dalka isaga dhoofo inta aan wakhtiga rasmiga ah la gaadhin ee isku badalidda labada calan.

Xafladda waxaa lagu qabtay xarunta Raadiyo Hargeysa, dadkuna waxay ka daawanayeen buurta ka sarreysa xarunta. Balse Booliska waxay qabeen walwal gaar ah oo ahaa in magaalada la boobo, waayo dadkii ayaa isaga yimid meel furan.

Buurta iyo waxa soconaya inay dadku ka fogaadaan may doonayn oo xamaasadda dadka haysay ayaa weynayd.

Xaflad ballaadhan oo ay ka soo qeybgaleen madaxdii halgankii xorriyad doonka iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada, waxaa aad uga dhex muuqday dadkii gabayada tirinayay iyo fannaaniintii waagaas oo uu ka mid ahaa Allah ha u naxariistee abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacade, oo lagu tilmaamay in uu ahaa waddani wayn, laguna xasuusto gabayga caanbaxay ee “kanna siib kanna saar”, iyo rag iyo gabdho kale oo magac leh.

Tan iyo intii uu socday ololihii xorriyad doonka, Soomaalida meel walba oo ay dunida ka joogtay waxay ka midaysnaayeen sidii ay “heeryada gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen.”.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY