Wararkii U Dambeeyey Dagaal Dhex-maray Ciidanka Somaliland iyo Kuwa Maamulka Puntland

0
1388

Laasqoray (Hargeisa Press)- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidanka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay dagaalkan, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, kaas oo haatan lagu dabiibayo xarun caafimaad oo ku taalla Laasqoray.

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa noo dheegay in weli cabsi ay ka jirto gudaha degmada, islamarkaana laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac oo deegaanadaasi ka soo jeeda ayaa sheegay in markii Badhasaabka gobolka Badhan oo safar ugu baxay Laasqoray ay ka dabatageen ciidamo ka tirsan Puntalnd halkaana uu dagaal ku dhexmaray Ciidamadii la socday Badhasaabka ee Somaliland iyo kuwii Puntalnd.

“Arintaasi way jirtaa badhasaabka gobolka Badhan ayaa wuxuu safar ku tagay Laasqoray kadib waxa ka daba tagay niman Puntland sheegayana oo deegankayaga faragalin ku waday oo aanu ka indho qarsanaynay.

Nimankaa Puntland ee aanu jaarnka nahayna waxa fiican inaanu nabad ku wada noolaano ayaa wanaagsanayd laakiin way garan waayeen.

Baryahanba waxaad moodaa in faragalin toos ah ku hayaan dalka Jamhuuriyada Somaliland waxaana masuul ka noqonaya cidii nabadgalyo daradaasi la timid wixii halkaasi ka dhaca,” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Sahal Maxamed Jaamac.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa…..

 

Hargeisa Press Desk /Ceerigaabo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here