Somaliland oo Shirkad Shidaal Ku Eedaysay Maalgelinta Jabhad Hubaysan

0
806

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa Shirkadda Shidaalka ee HASS PETROLEUM ku eedaysay inay Maalgeliso Maleeshiyo beeleed ka dhaqdhaqaaqda deegaanka Buuhoodle.

Wasiirka howlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Qambi oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in shirkada shidaalka ee HASS ay maal-galiso Jabhadahaasi oo ka soo horjeeda Somaliland.

Wasiir Qambi ayaa shirkada la xidhiidhiyey in Jabhadda SSC ee sida weyn uga soo horjeeda Somaliland, ay si gaar ah u maal-galiso shirkada shidaalka ee HASS, inkasta oo uu soo bandhigin wax cadeymo ah.

Sidoo kale, maalgelinta Jabhadahaasi ayuu Wasiirku la xidhiidhiyey dad kale oo aanu si cad u carabaabin, balse uu ku sheegay inay yihiin Ganacsato.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu Jabhadaha ka soo horjeeda Somaliland ku tilmaamay kuwa sida ganacsiga oo kale ah oo lacag laga sameeyo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu ogahay Rag Caawiya oo inta badan Xamar uga shaqayso, waxa ka mid ah Nin la yidhaahdo Horushoof oo asalkiisu reer Buuhoodle yahay, waxa ka mid ah Niman kale oo illaa hadda aan soo shaac bixin oo lagu xamanayo, kuwaasi oo ay ka mid tahay Shirkadda Shidaalka ee HASS inay Maal-geliyaan, iyagoo weliba Ganacsato ah.”ayuu yidhi Wasiir Qambi.

Laakiin, Maamulka Shirkadda HASS Petroleum oo iyaguna hadlay ayaa beeniyey Eedda uu u jeediyey Wasiirka Hawlaha guud, waxayna sheegeen haddii uu Wasiirku keeni waayo caddayn eeddaa la xidhiidha inay sharciga la tiigsanayaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk /Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here