War-murtiyeed Laga Soo Saaray Gebagebadda Shirweynaha Qaran Ee Diiwaanka Sekadda Somaliland

0
575

Hargaysa (HP): Shirweynaha qaran  ee diiwaanka Sekadda Somaliland oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa ayaa maanta la soo gebagabeeyay.

Shirweynahan qaran ee diiwaanka Sekadda oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland oo socday muddo laba maalmood ah.

Waxaa  ka soo qayb galay ku dhawaad 500, oo qof oo ka kala yimid goboladda dalka. Kuwaasoo isugu jiray culimaw-diinka dalka, ganacsato, ardayda jaamcadaha dalka iyo xubno ka socday golaha wasiirrada.

Shirkaasi oo shalay  daahfuray madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baadhisyo la xidhiidha ahmiyadda Sekadda.

Tusaalooyinka guulaystay ee diiwaanka Sekadda, iyo sida ay u maamuleen wadamadda islaamka ah qaarkood, iyo caqabadaha ku xeeran arrintaasi, iyo xal u helidoodda marka loo eeggo Somaliland.

Dood dheer iyo falan-qayn kadib, shirweynaha qaran ee diiwaanka Sekadda waxaa ka soo baxay war-murtiyeed ka koobnaa 6 qodob.

Qodobadaasi oo uu ugu muhiimsanaa in laga shaqeeyo sidii loo samayn lahaa siyaasad iyo xeerar la xidhiidha arrimaha Sekadda.

War-murtiyeedkaasi waxaa gebagebadii shirkaasi ka akhriyay agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Aadan C/laahi Cabdulle.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here