Wafti Ballaadhan Oo Dalka Sudan Ka Iman Doona Bacdal Ciidda Una Socda Qaddiyaddan Iyo Saamaynta Kiiskani Ee Xidhiidhka Labada Dhinac

0
989

suudaaniiHargeysa,(HargeisaPress) — Al-Fayad Bariir Zamani oo ah Muwaadin Suudaani ah oo muddo Lix bilood ah waddanka u joogay in uu helo sida uu sheegay Lacag uu ka soo dhacay Nin reer Somaliland ahi ayaa sheegay in uu xukuumadda, golayaasha sharciga iyo maxkamadaha dastuuriga ah uga magan yahay in uu si caddaalad ah oo walaaltinimo ku helo lacagta uu ka soo dhacay Axmed Cali Salaad oo ah muwaadin dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag Bari wakhtigana baxsad ugu maqan Magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland balse uu xabsiga ku jiro aabihii Cali Salaad oo isagu hore inankiisa u damiintay. Arrintan ayaa keentay in ay dhawaan dalka ku soo fool leeyihiin wafti ballaadhan oo ka iman doona wadanka Suudaan kuwaasi oo isugu jira Masuuliyiin xukuumadeed, Ganacsato, Saraakiil sarsare oo dhinaca waxbarashada ah iyo xubno kale kuwaasi oo dalka u iman doona in ay kiiskan eegaan dadkoodana u helaan lacagta laga soo dhacay.

Muwaadinkan Suudaaniga ah ee Al-Fayad Bariir Zamani iyo Cabisamad Maki Cali oo labaduba ah rag u dhashay wadanka Sudan oo xalay nagu soo booqday xafiiska wargeyska Foore ee Magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska lacagtan laga soo dhacay iyo halka uu marayo iyaga oo codsaday in ay si degdeg ah u helaan caddaalad xukuumadda Somaliland-na ka codsaday in ninkaa xoolahoodii ka soo dhacay ay si cadaaladda waafaqsan ugu soo qabato sharcigana ku kala baxaan si ay u helaan lacagtii ninkaasi ka soo dhacay oo dhan $555,251-kun oo dollar (Shan Boqol, Shan Iyo Konton Kun, Laba Boqol iyo Kaw Iyo Konton Dollar).

soma and sudani

Al-Fayad Bariir Zamani ayaa noo sheegay in muddada lixda bilood ka badan ee ay dalka ku sugan yihiin ay wali ka dhur sugayaan dacwadda maxkamadda Gobolka Hargeysa kaga jirta oo jiitantay oo ay jecel yihiin in ay si degdeg ah u socoto maadaama mudada ay dalka joogaan kharash badani ku socdo dhulkoodiina ay ka soo maqan yihiin muddo badan.

Fayad Bariir Zamani waxa uu sheegay in kiiskoodan dhawr garsoore isaga dambeeyeen masuuliyiinta wakhtigan gacanta ku hayana ay uga mahad naqayaan sida ay hawsha u wadaan balse ay jeclaan lahaayeen in loo dedejiyo oo la siiyo caddaalad ay magan uga yihiin dhammaan shacabka Somaliland maadaama dulmi xoolahoogii lagaga soo dhacay.

Masuuliyiintan Suudaanida ahi markii ay dalka Yimaadeen waxa ay kiiskoodan u gudbiyeen maxkamadaha sharciga iyada oo wakhtigaasi la soo qabtay aabaha ninkan xoolaha soo dhacay oo sharciga hortiisa ku ballan qaaday in uu inankiisa keeni doono balse aanay taasi dhicin illaa imikana ninka xoolaha dhacay baxsad ku jiro halka odaygii ninkaasi dhalay xabsiga ku jiro oo dacwaddu isaga ku socoto. Kooxdan Suudaanta ah ee dacwadda ku raba xoolaha ay sheegeen in laga soo dhacay ayaa hore ula kulmay wasiirrada wasaaradda Madaxtooyada iyo Daakhiliga halka ay sidoo kale kulamo la qaateen odayaal iyo waxgarad kale oo ay kala hadleen xaaladda xoolaha laga soo dhacay iyo sidii ay ku heli lahaayeen xukun caddaalad ah.

Fayad Bariir Zamani ayaa nooga warramay wafti miisaan culus oo Bacdal Ciidda ku soo fool leh Somaliland kuwaasi oo ka iman doona dalka Suudaan una iman doona qaddiyaddan. Ninkan dacwoodaha ahi waxa uu noo sheegay in ay waftigaasi ka mid yihiin xubin wasiir ah, Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dalka Suudaan, saraakiil sarsare oo ka socota wasaaradda Waxbarashada dalka Suudaan iyo Guddiyada Imtixaanaadka dalkaasi iyo Culimo kuwaasi oo dalka u iman doona kiiskan, sidoo kalena masuuliyiinta xukuumadda Somaliland kala hadli doona xidhiidhka Somaliland iyo Sudan iyo sidii loo xoojin lahaa muwaadiniintoodanina u heli lahaayeen caddaalad iyada oo waddanka Suudaan sannad walba deeqo waxbarasho siiyo arday badan oo reer Somaliland. Dacwoode Fayad Bariir Zamani iyo Cabisamad Maki Cali waxa ay xuseen in ay ka mahad sheeganayaan masuuliyiinta xukuumadda ee ay la kulmeen waxayse dhammaan shacabka iyo xukuumadda ka codsadeen in ay kula guntadaan sidii ay u heli lahaayeen caddaalad ee loogu soo celin lahaa xoolaha laga soo dhacay. Fayad Bariir ayaa noo sheegay in ninka xoolaha ka soo dhacay ee Axmed Cali Salaad uu ka shaqayn jiray shirkadda uu isagu masuulka ka ahaa oo ah shirkad weyn oo ganacsi oo ku taalla xarunteeda weyni caasimadda wadanka Suudaan, kadib muddo badan oo uu u shaqaynayayna lacagtaasi kasoo dhacay una soo baxsaday dhinaca Somaliland.

HargeisaPress, Monday, July 21, 2014

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here