Wada-hadalladii Itoobiya iyo Soomaaliya oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday

0
1752

Ankara (Hargeisa Press)- Wada-hadalladii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka socday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Wakaaladdaha wararka ee Turkiga, ayaa soo warineysa in wadahadallada Itoobiya iyo Soomaaliya, aan wax natiijo ah laga gaadhin arrimihii laga wada xaajoonayay.

Wadahadallada Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa qarka u saaran inuu burburo kadib markii Muqdisho ay diiday inay wadahadalo fool ka fool ah la yeelato wefdiga Itoobiya ilaa intay si rasmiya uga tanaasulayso heshiiskii ay Somaliland la gashay.

Geesta kale, Soomaaliya waxa ay Itoobiya u soo bandhigtay in ay soo gasho badda, iyada oo la raacayo qodobbada Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Baddaha (UNCLOS), iyada oo soo jeedintan u soo marisay diblomaasiyiin Turki ah.

Itoobiya, ayaa diiday soo jeedinta Soomaaliya ee ahaa in ay ka noqoto heshiiskii ay la gashay Somaliland ee MOU, iyadoona dowladda Itoobiya meel adag ka taagan tahay heshiiska ay la gashay Somaliland.

Itoobiya, ayaa ku adkaysatay rabitaankeeda badda Somaliland, waxayna diiday inay ka noqoto heshiiskii isfaham ee ay Somaliland la gashay.

Maanta oo ay bisha August ku beegan tahay 13, ayaa mar kale loo ballansan yahay in ay labada dhinac is arkaan iyada oo uu Turkigu dedaal Diblumaasiyadeed ugu jiro sidii dhinacyada loogu qancin lahaa in ay xal gaadhaan.

Wada-hadallada, ayaa la filayaa in ay wakhti badan qaataan maaddama oo dhinacyadu aanay weli waxba isla meel dhigin isla-markaana aan laga heshiin qodobadii laysku hayay.

Madasha ay labada dhinac ku wadahadlayaan, ayaa waxaa ku suganaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakaan Fiidaan kaas oo labada dhinac dhex dhexaadinayay.

Waxaa xusid muddan in wadahadaladii Turkiga hore ugu dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, uu sidan oo kale ku soo idlaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaadhin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here