Hargeysa (Hargeisa Press)- Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin mudane Mahad, ayaa ku booriyay waalidiinta ay ardaydoodu wax ka bartaan dusgiyadiisa in ay ku dedaalaan bar-baarinta wanaagsan ee ubadkoodda.
Maamule Mahad, ayaa kula dar-daarmay waalidiinta in ay ubadkoodda u duceeyaan, taasoo uu shregay in qy caruurta wax weyn u tarayso.
Ducada loo duceeyaa isagana wax bay taraysaa, wuxuu sheegay in dhaqanka waalidkeenaay ka mid tahay in erayo maskaxdoodda waxyeelo u gaysanaya ay caruurtoodda ku yidhaahdaan, taasoo saamayn ku yeelata bar-baarintooda iyo mustaqbalkoodda.
Mahad, oo maanta la hadlayay xaflad lagu qabtay qaybta dusgiyadda sare ee Nuuradiin, ee magaaladda Hargaysa, ayaa ku adkeeyay waalidka in ay u duceeyaan ubadkoodda, isagoona xusay in ducada loo duceeyaa ay wax weyn tarayso caruurta.