“Waa xukuumaddii u horraysay ee samaysay Urruro shaqaale rayida…”

0
559

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda shaqo’gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Mustafe Maxamed Cali (Godane), ayaa sheegay in ay tahay xukuumadda maanta jirta tii ugu horraysay ee sameysa urruro shaqaale, isla markaana ay dhaqaale ku bixiso, sameysayna xafiis ka garnaqa shaqeeya iyo loo shaqeeyaha, una yeedha soona fadhiisiya.
Sidoo kale waxa uu xusay in xukuumadda hadda talada dalka haysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ay curisay xeerarka ururada shaqaalaha rayidka ah iyo xeerka shaqaalaha rayidka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here