Waa Maxay Sababta Ilaa Maanta Go’aan iyo Talo Qaran Looga Soo-saari Waawey Xaaladaha Laascaanood?

0
1255

Mudo afar bilood ah waxa ka socda magaalada laascaanood ee gobolka sool dagaal ay isaga soo horjeedaan kooxo Somaliland diid ah oo la wareegay gacan ku haynta magaalada laascaanood iyo ciidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland oo doonaya in amnigii iyo kala dambayntii lagu soo celiyo deegaanka iyo guud ahaan magaalada laascaanood.

Waa xaalad adag oo warkeegu gaadhay aduunka oo dhan oo ay ku barakaceen boqolaalkun oo qof oo shacab ah sidoo kale ay ku geeriyoodeen ciidamo badan oo gaadhaya ilaa kun askari marka wadarta labada dhinac la isku daro halka dhaawacyadu kumayaal kor u dhaafayaan.

Ilaa hadda go’aan xukuumadeed mooyaane talo qaran lagama yeelan xaaladaha ka taagan laascaanood , lagagama doodin goleyaasha wakiilada iyo guurtida oo leh masuuliyada qaranka qaybtooda , sidoo kale xukuumadu umay gudbin qorshe qaran oo lagu waajahayo laascaanood sida in xayiraad lagu soo rogo gobolkaasi oo kale , isla markaana loo aqoonsado cidwaliba oo qaranka ku lid ah in ay tahay argagixiso doonaysa in jamhuuriyada Somaliland burburto.

Tusaale hadii aynu u soo qaadano laba goor oo hore oo dalkani dagaalo ka dhaceen ama la soo weeraray waxaa golayaashu ka soo saareen go’aan qaran waxaa ka mid ahaa dagaalkii sokeeye ee dhacay 1994kii oo ay goleyaasha xeer dejintu go’aano ka soo saareen sidoo kale xukuumada lafteeda lagala dooday ujeedada dagaalka iyo dhibaatada taagan in ay qayb ka ahayd, waxaa xigay safarkii xukuumadii madaxweynihii sadexaad ku tagey laascaanood oo sababay weerar ka dhan ahaa Somaliland oo madaxweynaha lagu dili gaadhay iyo sidoo kale olole maamulada derisku ka galeen gudaha Somaliland oo dadka lagu kiciyey goleyaashii xiligaasi xukuumadu waxa ay u gudbisay ajande waana la isla qaatay oo la anxiyey dalabkii madaxweynuhu soo gudbiyey.

Sida qaallibka ah ama aduunku isla yaqaano marka arimahani oo kale dhacaan waxaa laga soo saaraa go’aan xukuumadeed iyo taloqaran oo guud ahaan dawladu ku mideysan tahay sidoo kale waxaa laga furaa doodo iyo wax isweydiin si loogu qanciyo cidii la aragti ah dhinaca kale in ay qaldan yihiin ama baadil wadaan, markaa waxaa la isweydiinayaa maxaa la qabanayaa ilaa maanta oo looga soo saari waayey go’aan qaran.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here