Gogol-dhig
Ka hor inta aynaan ka jawaabin su’aasha mawduuca maantu waxa uu daarran yahay iyo sababta kaliftey in aan wax ka qoro cida ku adeegata qabyaaladda. Waxaan marka hore mihim ah in aynu fahamno waa maxay dawladdi? Maxay faa’ido u leedahay dadyawga adduunka ku nool? Ujeedada qaranimo ama dawladnimo yaa ay tahay in ay ku naajaxaan ama dheefteeda yeeshaan? Maxaa se looga baahan yahay in ay ummadda u qabato? Jawaabaha su’aalahani waxa ay si fiican inoo fahamsiinayaan cidda ku adeegata qabyaaladda, iyo manfaca ugu jira in ay isticmaallaan. Waxa kale oo su’aalahanni inna fahamsiin doonaan waxa u danta ah ummadda jiritaankeeda si ay ugu naalloodaan nabad gelyo, naruurro iyo nolol wanaagsan oo wax-tar u leh dadnimadooda iyo masaalaxooda dhaqan dhaqaale intaba.
Haddaba akhriste si wanaagsan u dhugo haddiiba aad wakhti u heshay in aad akhrido maqaalkan si su’aalahan waaweyn ee hoos ku qoran na aad jawaabtooda si waafi ah aynnu iskula fahamno.
Waa Maxay Dawladdi?
Ummad kasta oo meel ku wada nool, si kasta oo uu kala duwannaanshiyahoodu yahay haddii ay noqoneyso midab, af ama diin waxa ay garteen, iyada oo intooda labeenta ah ee aqoonta iyo garashada lihi hor kacayso, in ay ka faa’ideystaan awooddooda dadnimo si ay horumar u gaadhaan. Fekerkan saliimka ahi waa ka dhidibadda u taaggey, isla markaana keeney in nidaamka dawliga ah ee dunidda maanta ka jiraa uu dhaqan galo. Sidaa darteed, aniga oo soo koobaya isla markaana ka jawaabaya su’aasheena waa maxay dawladdi? Jawaabteeda oo waafi ahi waxa ay tahay dawladdi waa meesha ay dad meel ku wada noolli dhaqaalahoodo, caqligooda, aqoontooda/garashadooda, maalkooda, farsamadooda/xirfadooda, xooggooda/awooddooda iyo aragtidooda siyaasiga ah isugu geeyaan. Si ay nabad iyo horumar ugu jiraan. Isla markaana sharafkooda iyo jiritaankooda dadnimo na ku ilaashadaan. Dadyawga kale ee adduunyadda kula nool na ula macaamilaan. Iyaga oo isaga difaacaya dawladnimada wax kasta iyo cid kasta oo wax yeello ku ah jiritaankooda qarannimo, iyagu na ku kala badbaadaya.
Maxay Faa’iido u Leedahay Dadyawga Adduunka ku Nool
Dawladnimaddu waa dallad loo dhan yahay oo laga ga gaashaanto masiibooyinka adduunka ka jira. Waa nidaam iskaashi oo ummadduhu ku wanaajistaan noloshooda si ay sharafkooda, dhaqankooda, afkooda iyo caaqiidadooda u ilaashadaan. Waa ta keentay in dadyawga kala qoomiyaddaha ah ee qaaraddaha adduunka ku noolli ku kala hor maraan, kuna kala mudnaadaan. Waa waxa is dhaafiyey haddiiba aad tusaale wanaagsan soo qaato ninka cad iyo kan madow, iyaga oo aan kala xoog badneyn dabiiciyan. Waxa aynu dhamaanteen ka markhaati kacaynaa in horumarkan balaadhan ee ninka cadi sameeyey kaliya ku yimi nidaamka dawliga ah iyo xeerarka ama qawaaniinta ay u sameysteen dawladnimada oo ah xabagta dadka isku haysa. Waana nidaamka kaliya ee si isku duubni ah loogu sameyn karo nolol wanaagsan oo cadaalad iyo is ixtiraam ku dhisan taas oo aannu qofna qof ka sareyn sharcigana loo siman yahay, fursadaha nololeed, kuwa caafimaad iyo kuwa waxbarashana si sinnaan iyo cadaaladi ku dheehan tahay loo wada qaybsado.
Ujeedada Qarannimo ama Dawladnimo Yaa ay Tahay in ay ku Naajaxaan ama Dheefteeda Yeeshaan?
Mar haddii ay dawladnimo tahay meesha ay dad meel ku wada nooli dhaqaalahooda, caqligooda, aqoontooda/garashadooda, maalkooda,farsamadooda/xirfadooda, xooggooda/awooddooda iyo aragtidooda siyaasiga ah isugu geeyaan. Dabcan waxa dheefteeda iyo dhibteedaba yeellanaya dadka shacabka ah. Waxaa na dadka shacabka ah u adeeggaya intooda labeenta ah ee aqoonta iyo farsamada dawladnimo fahamsan. Isla markaana ah dad xalaal quutayaal ah oo garanaya waajibka saaraan, iyo waxa ay dadkoodu ka filayaan. Waa na kuwa ay shaqadoodu tahay in ay wacyi galiyaan dadka oo ay caqligooda iyo garashadooda kor u qaadaan. Tani waxa ay ka caawineysaa farsamo ahaan in ay dawladdu tamariso oo ay wax qabad dhab ah la timaado, si ay hawl maalmeedkeeda shaqo ee u adeeggidda dadweynaha u gudato.
Maxaa Looga Baahan yahay in ay Ummadda u Qabato?
Dawlad waxa ay ummaddu marka horeba u sameysteen in ay nabad gelyo ku helaan oo ay iyagu ku kala badbaadaan, cadawga dibadda na isaga difaacaan. Isla markaana, dhaqaalahooda iyo noloshooda ku dhistaan, iyaga oo dhaqankooda iyo cirdigoogaba ku ilaashanaya. Dawlad waxa looga baahan yahay in ay abuurto jawi dhaqaale iyo horumar, kaas oo gunta aasaaskiisu yahay cadaalad iyo xaqsoor dhab ah. Waxa kale oo dawlad looga baahan yahay in ay hagaajiso adeega bulshadda dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashadda, iyada oo wacyi galin balaadhan u sameyneysa dadkeeda kuna baraarujinneysa wax wal oo wanaagsan oo waxtar u leh. Isla markaana wixii wax yeelo iyo dhib u keenaya bulshadana ay la dagaalameyso, sida cuduradda, jahliga, nidaam xumada, musuqa, cadaaldad-darada, eexda ama qabyaaladda iyo wax wal oo bulshada u keeni kara kala furfurnaasho. Dawladdi waa xabagta kaliya ee ummad isku haysa waxa ugu horeeya ee loo baahan yahay in ay sameysana waa in ay shaqadaa ummaddu u igmatey qabato oo ah u adeeggida shacabkeeda.
Haddaba, haddii ay arrin sidan yahay oo in ummaddi ay dawlad yeelataa sidan laf-dhabar ugu tahay, wax wal oo wanaagsan oo horumar leh waa maxay qayladda iyo buuqa ka soo yeedhaya dawladnimadeenii aynu dhidibada u taagnay 25 sanno ku dhawaad ka hor. Waxaynu ognahay in dawlad kasta oo dunidda ka jirtaa ay ku bahoobeen dadyaw inta badan sida aynu innagu nahay aan isku mid ahayn (Homogeneous). Kuwaas oo ku kala duwan afka, dhaqanka, diinta ama midabka (Heterogeneous). Reer Somaliland waa dad intaas oo dhami ay ka dhaxayso oo wadaaga wax wal oo ummaddi leedahay, isla markaana isla qaatey oo ku heshiiyey si niyad ah in ay dawlad u sameystaan. Waana tan keentay in 25 sanno ku dhawaad, iyaga oo aan wax aqoonsi ah dunidda ka helin, haddana nabad gelyo ku wada nool kuna guuleystey in ay ilaaliyaan waxii ay wada dhisteen.
Si horumar loo sameeyo loona kobciyo dawladnimadda waa in la helo dad mabda iyo arragtida siyaasiga ah ku midaysan. Somaliland waxa inta badan ka soo yeedhaa waa qayladda iyo sawaxanka qabiilka. Arrintan waxa keena kaliya waxaan aaminsanahay in ay tahay fashilka siyaasiyiinta reer Somaliland oo dhan Xisbiga ay doonaan ha ahaadeen ama dibbad wareegba ha noqdeen eh. Kuwaas oo ku saaqiday in ay dadkooda u adeeggaan, isla markaana qiiqa isku qaraniya. Akhriste, waxa aynnu kor ku xusney in dawladnimadda ay hormuud ka yihiin marka horeba dadka labeenta ah ee aqoonta iyo indhaha u ah bulshadda. Magaca ay hormuudka ummaddu leedahay ee kaalintaa ugu jiraa waa SIYAASIYIINTA. Isla siyaasiyiintan uun baa umad barwaaqeeya oo hormariya ama baabi’iya oo jilbaha dhulka ugu dhufta. Siyaasiyiinta Somaliland waa kuwa adeegsada qabyaaladda ee dadka ku kala qayb qaybiya. Haddii aan tusaale yar soo qaato, xiliga qabyaaladdu ugu kulushahay Somaliland waa xiliga doorashaddu soo dhawaato ama cid dhadhamo siyaasadeed kala riixaneysaa shacabka ku dul doobiyaan ee midba reer dabada galiyo.
Xafladdaha iyo saxaafadda la isaga jawaabayo waxa dhamaantood soo abaabula siyaasiyiinta Somaliland oo dan gaar ah leh ama mucaarad ha ahaadaan ama muxaafid, waxaaney wadaan nidaam ah qaybi oo xukun. Dadka reer Somaliland waxay u baahan yihiin in ay wada helaan adeegga dawladda, sida biyaha, caafimaad, waxbarashadda, shaqo abuurista iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha ee horumarka laf dhabarta u ah. Waxa arrintan ku fashilmay in ay adeeggaa dadka gaadhsiiyaan siyaasiyiinta Somaliland oo si ay dadka indhahooda isaga jeediyaan qabyaalad miciinsadey. Yaguna waa ku kala raali oo hoosta ayey iska og yihiin waaney wadayaan hawshan illaa iyo inta ay dadka garaadkoodu koraya oo ay wax fahmayaan. Tusaale haddii aan u soo qaato arrintan, reer wal oo Somaliland ka tirsani waxa ay leeyihiin dad danyar ah oo dhaqaale ahaan aad u hooseeya. Haddii kaa ay dhibaato ku timaado oo ay dawladdu wax yeesho cid u hadleysa oo TV u soo fadhiisaneysaa ma jirto. Halka siyaasiga ama qofka kale ee magaca ummadda ku dhexyeeshay hagardaameyntooda uu mudaharaad is qabsanayo, isla markaana looba dhimanayo. Akhriste miyaaney haddaba kuu cadeyn cida adeegsata qabyaaladda ee ku fashilantay in ay hogaamiyaan dadkooda oo ay mideeyaan.
Guntii iyo gebogabadii, waxaan ummadda reer Somaliland leeyahay waxaa aad aragtaan waa oohintii iyo baroortii siyaasiyiinta tuumbada dhiigiina kula jirta ee hadh iyo habeen noloshiina dhuuqaysa. Waxa haboon in aad meel uga soo wada jeesataan oo aad la xisaabtantaan. Waxa idin mideeya xirfadiina iyo noloshiina guud, waa na in aad taa ka wada shaqeysaan goor iyo ayaan. Waad ogtihiin oo haddii maanta cadaallad daro lagu xidho ama laguba dulmo nin reer hebel ah oo miskiin ah cid u mudaharaadeysaa ma jirto haddii se siyaasi tuug ah oo waxaaga u socda in uu xado kuna dhaco tolaayeey ku muusanaabo waad ogtihiin oo waa idinka kuwa u dhimanayaa ee berrina marka ay heshiiyaan halkaa lagu ilaawayaa. Waxaan idiin soo jeedinayaa in aad siyaasiga ku saaqidey in uu shaqadiisii qabsado ee jahawareersan aan meel uga soo wada jeesataan ee aydaan idinku noqon kuwii laga cuney ee haddana lafahooda loo cunay. Balse aad noqotaan kuwii garta cida ay iyagu shaqaaleysiiyeen ee ay tahay in ay u adeeggaan, una fahma in aaney ka adeeggan quruxda dawladnimaddana uga na faa’ideysta sida ay tahay ee aan kor ku xusney.
Wabilaahi Tawfiiq.
Allaa Mahad Leh
Mohamed Hagi Mohamoud.
Department of Politics and International Studies.
The University of Warwick.
Email: mohamedomar1@hotmail.com or M.Hagi-Mohamoud@warwick.ac.uk