Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo Hay’addaha Save-Children iyo Care?

0
1237

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley qaar ka mid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha Somaliland, kuwaas oo wada shaqayn dhaw la leh dhamaan wasaaradaha iyo Hay’addaha madaxa bannaan ee dalka.

Hay’addaha caalamiga ah ee uu Wasiirku wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland uu la kulmay, waxa ka mida hay’addaha Save Children iyo Care International oo uu hoggaaminayo Madaxa Afrika ee Save Children International Denmark, Mr  Jackob Eilsoe Mikkelsen.

Kulanka wasiirka waxbarashada iyo Sayniska iyo masuuliyiinta hay’addaha Caalamiga waxa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo La-taliyaha Wasiirka, kuwaasi oo goob joog ka ahaa kulankan mihiimka ah ee ay isku xog-waraysanayeen wasiirka iyo Hay’addaha caalamiga ah ee shaqada dhaw la leh wasaaradda waxbarashada.

Kulankan laba geesoodka ahaa, ayaa waxaa lagaga wadahadlay hawl socodsiinta mashaariicda hadda socota ee uu maalgeliyo Midowga Yurub iyo mudnaanta horumarinta waxbarashadda ee 2024-2026.

Sidoo kale, waxa la isla qaatay in hirgaliyaan mashaariicda ay ka fuliyaan dalka hay’addahan caalamiga ahi, iyada oo mudnaanta la siinayo mashaariicda waxbarashada khuseeya ee fulintooda ay qaabilsan yihiin Hay’addahani.

Gebo’gabadii kulankan, ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo la isla qaatay dhammaan qodobadii kulankani ku saabsanaa iyo fulintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here