Waa Gob iyo Caadkeed By: Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

0
901

Gobanimada, Sharafta, Soo Dhaweynta, Qadarinta Xididka iyo Xurmayntoodu waa mid Asiil ah oo ay dhaqan iyo Caado soo jireen ah u leeyihiin Ummada Sharafta leh ee reer Somaliland. Waana mid Isirka reer Soomaal meel kasta oo ay Geeska Afrika iyo Caalamka ay kaga nool yihiin ay qirayaan.

Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u Naxariistee Xaaskii Mudane Cabdirxamaan Faroole Marxuumada Aamina Cabdi Abiib oo Asalkeedu uu ka soo jeeday Somaliland ayaa ahayd mid aad u damaqday Qof kasta oo reer Somaliland iyo Qof kasta oo Muslin ahna, waxaanay ahayd Masiibo Culus oo ku habsatay reer Somaliland oo ay Marxuumadu ka dhalatay iyo reer Puntland oo ay u dhaxday. Waana taas Ujeedada uu Madaweyne Faroole ku joogo Somaliland.

Iyada oo Geeridaas uu u yimi Cabdiraxmaan Faroole oo aanuu wax Siyaasad ah u socon, ayaa Guud ahaan Shacbiga iyo Xukumada Somaliland ay Niyadsami iyo si gobonimo iyo wada Dhalasho ay ka muuqato ay u soo dhaweeyeen Mudane Faroole, waxaana mudada uu ku sugnaa Somaliland si qiimo weyn leh usoo dhaweeyay qaybaha Kala duwan ee Bulshada.

Waxaanay Sharaf iyo Karaamo u ahayd Guud ahaan Shacbiga reer Somaliland iyo Shacbiga Maamul Goboleedka Puntland sida Qiimaha leh ee ay Maanta Xukuumada Somaliland oo uu hor kacayay Madaweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ay Casuumad Sharafeeda ugu sameyeen Mudane Faroole ugana Tacsiyadeeyeen Geerida Culus ee uu ku waayay Xaaskiisii Aamina Cabdi Abiib oo uu Allah ku saliday gacantii Wiilkeeda.

Arrimaha sidan oo kala ah ayaa kaalin weyn ka qaata isku soo dhawaynta iyo xoojinta xidhiidhka Bulshooyinka Deriska ah.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here