“Waa dambi in Jaamacadihii noqdaan Tukaan “ Xildhibaan Siciid

0
862

Hargeysa,(HargeisaPress)– Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mida Mudanaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa naqdiyay Jaamacada Dawlada maamusho.

Siciid Maxamed Cilmi ooo Maanta ka qayb galay dood Golaha Wakiilada ka yeeshay Daalda guud ee dalka ayaa waxa uusheegay in Jaamacada Dawlada ay darafyada ka qaadaan lacagta ay qaadaan Jaamacadaha haarka loo leeyahay.

Siciid Maxamed Cilmi oo Arimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa dhibaato ka Taagantahay Waxbarashada Jaamacadaha heerka Jaamacada marka uu soo gaadho Qofka Shaqaalaha dhalay iyo Ciidamada dhaleen, Shaqaalaha Dawlada Jaamacada Hargaysa waa Jaamacad Dawladeed Jaamacada Boorama waa Jaamacad Dawladeed Jaamacada Nugaal ee Laascaanood waa Jaamacad Dawladeed Jaamacada Burco waa Jaamacad Dawladeed Jaaacada Ceerigaabo waa Jaamacad Dawladeed,hadeer oo ugu dambaysay dhawr Milyan ayaa la galinayaa,”.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxaana ay noqdeen Jaamacado gaar loo leeyahay waa Jaamacadihii inaga dabooli lahaa Shaqaalaha iyo Ciidamada Somaliland,waxaana Simistarkii qaadaan la cagta ay qaadaan Jaamacadaha gaarka loo leeyahay hal kaynu gayn la hayn weeye Caruurta Ciidamada marka ay soo gaadhaan Caruurtoodu heer Jaamacadeed,waa dambi waxaana aan ku Canaanayaa Golaha Wakiilada oo ay ahayd in uu Go,aamiyo waar aan u gurmano Shaqaalaha iyo Ciidamada Jaamacadihii in ay noqdaan Tukaan waa dambi,”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here