Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Kulan La Yeeshay Baarlamaanka Dalka Sweden

0
1824

Stockholm (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa kulan la qaatay xildhibaano ka tirsan guddida arrimaha Dibedda Baarlamaanka dalka Sweden.

Wasiirka oo safar shaqo ku maraya wadamo ka tirsan qaaradda Yurub, ayaa la sheegay in kulankaasi lagaga wadahadalay xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Sweden ay wadaagaan.

Kulanka oo ka dhacay Baarlamaanka Sweden, ayaa la sheegay in Wasiir Dr. Ciise Kayd, waxa uu sharaxaad ka siiyey xildhibaada ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibeda xaalada dibedda iyo gudaha Somaliland wakhtigan iyo duulaanka kooxaha huwantu (Argagxisada, Puntland iyo kooxo la marin-habaabiyey ee Sool) ku soo qaadeen Somaliland si loogu dhaawaco nabada iyo xasiloonida dalka.

Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Safiirka JSL u fadhiya dalka Sweden Mudane, Sakariye Xasan Wacays ayaa xubnaha xildhibaanada loo dhiibay qoraalo ka hadlay horumarka Somaliland iyo hadafkeeda aqoonsi ay caalamka ka hesho.

Dhinaca kale Xildhibaan Markus Wiechel, oo ka tirsan Guddiga arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Sweden ayaa soo dhaweeyey kulanka Wasiirka Dr. Ciise, isla markaana sheegay inuu taageerida qadiyada madaxbanaanida Somaliland bilaabay sagaal sannadood hortood.

Fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter Xildhibaan Markus ayaa ku sheegay in xildhibaano xisbiyo kala duwan mooshin la xidhiidha aqoonsiga Somaliland u gudbiyeen baarlamaanka Sweden.

“Xildhibaano badan ayaa ka qayb qaadanaya taageerida guusha Somaliland. Waxaa jira koox saaxiibtimo baarlamaanka ah, iyo mooshinno ay diyaariyeen xildhibaanno ka kala socda xisbiyo kala duwan” ayuu yidhi wasiir Kayd.

Xildhibaan Markus, ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Somaliya oo dal qalalaase ah mucaawinooyin bdan caalamka ka helo, halka Somaliland oo xasilooni ka jirto aanu taageero helin.

“Soomaaliya taagero badan ayey heshaa halka Somaliland aanay helin, haddana Somaliland waxa ka jira hay’ad dawladeed oo shaqaynaysa, halka ay Soomaaliya ka jirto dawlad la’aan. Waa murugo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Markus.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here