Turkiga oo Markab kale u soo diray Soomaaliya

0
1052

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dowladda Turkiga, ayaa waxaa ay maanta Soomaaliya soo gaadhsiisey markab sida shixnad gargaar ah, oo ay ku caawinayso maamulkaasi.

Markabkan oo ka soo degay dekedda Muqdisho, ayaa waxaa la wareegay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliya, oo ka mid yihiin Raysal wasaare ku xigeenka, guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka ee maamulkaasi iyo safiirka Turkiga ee Muqdisho.

“Munaasibad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta DFS waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee talabaalaysan” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya.

Sida ay hay’addu sheegtay markabka, ayaa sida gargaar leh qaybo kala duwan, isla-markaana gaadhaya 3,000 oo tan oo ay ku jiraan raashin, teendhooyin iyo agab kale.

“Gargaarkan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan” ayaa la sii raaciyay qoraalka ka soo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin, ayaa sheegay inay balan qaadayaan in gargaarkan loo geyn doono dadka mudan ee haatan ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya, “Gargarkaan dadkii mudnaa ayaan gaadhsiin donnaa, waana uga mahadcelinaynaa dowladda Turkiga garab istaagooda.”.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo isaguna madasha hadal ka jeediyay, ayaa sheegay inay dowladda Tukiga uga mahadcelinayaan iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here