Trump oo u soo tafaxaytay Hindiya iyo Turkiga

0
1518

Hargeysa — Dawladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay soo afjarto naasnuujin ganacsi oo ay u samayn jirtay dalka Hindiya, qorshahaas ayaana ogolaanaya in qaar ka mid ah badeecooyin kooda ay dalka Maraykanka u iibgeeyaan iyadoo aan wax canshuur ah la saarayn.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Hindiya ay ku guuldarraysatay in ay xaqiijiso in ay si macquul gal ah ugu furto suuqyadeeda.

Maraykanka ayaa sidoo kale soo afjaraya hannaan ganacsi oo Turkigu uu faa’iido badan ku qabay, wuxuuna sheegay in uusan buuxin shuruudihii looga baahnaa.

Waa dadaalkii u dambeeyay ee uu Maraykanku kaga hortago ganacsiyada uu u arko in aysan caddaaladda ahayn una cuntamayn.

Trump ayaa dalbaday in uu dhimi doono isu dheeli tir la’aanta alaabada Maraykanka loo suuqgeeyo iyo kuwa uu isagu caalamka u iibgeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here