TOOS: Munaasibada Dabbaal-degga Xuska 18-ka May oo Ka Socota Madaxtooyada

0
2215

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa hada xarunta madaxtooyada Somaliland ka socota xaflada balaadhan oo lagu debaal-degayo xuska munaasibadda 31-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 18-kii May 1991-kii.

Waxaa munaasibadan Xuska 18-ka May ee ka socota madaxtooyada goob joog ka ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada, siyaasiyiin iyo haldoor.

Sidoo kale, waxaa munaasibadan goobjoog ka ah wufuud kala duwan oo dalalka deriska oo dunida uga timi ka qaybgalka munaasibadda xuska maalinta qarannimada ee 18-ka May.

Maalinta Xoriyada Somaliland waa mid ka mid ah Maalmaha sida weyn looga xuso guud ahaan Somaliland iyo wadamada dibadaha ee ay joogaan jaaliyada dadka reer Somaliland u dhashay, iyada oo ay maalntani ku suntan tahay maalinta qaranimada Somaliland.

18ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18May waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgameyaashaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here