Ciidamada Kala Duwan oo Wacdaro Ku Soo Bandhigay Xuska 18-ka May

0
997

Hargeysa (Hargeisa Press) – Ciidamada kala duwan ee dalka Somaliland, ayaa wacdaro aan hore loo arag ku soo bandhigay xuska munaasibadda 18-kii May oo maanta si weyn looga debaal-degay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Xuska 18-ka May oo sanad kasta si weyn Somaliland looga xuso, ayaa Ciidamada kala duwan ee Somaliland oo ku gaashaaman qoryaha fudud iyo kuwa culus, gaardis ku soo bandhigeen munaasibada xuska 18-ka May, iyaga oo socod ku maray fagaaraha xuska.

Ciidamada, ayaa sidoo kale soo bandhigay gaadiidka waa weyn ee dagaal oo ay ka mid yihiin Kaarayaasha, Baybay-yada iyo noocyada kala duwan ee baabuurta dagaalka.

LEAVE A REPLY